Hadhwanaag

Welcome to Hadhwanaag

Home

warancade

Indhoole

Cabdilahi mahamed Ali

AMINA WARIS LONDON

siilaanyo2aad

bacado

tvga qaranka2

SACIIC ALI MUUSE

sln

New Hargeisa Hospital

Dayr GUri

page44

Yaman

page50

Ciyaar2

Van Doorn

samaale2

Gabar Yar Aids

Kulmiye

page47

page40

page14

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

page2

page4

UCIDsafar2

Suxufi Solja

Faaliyaha Qaranka2aad

Faysal Khudbad

Wasiirka Arimaha dibadda

page48

Ahmednassir Jibril Farah

bUUG

SIILAANYO

Wasiirka somaliland

Wasiir Warancade

Fanaanada Hodan C/Raxman

AMINA WARIS

page45

Cabdiqadir Juba

Ugaas Xawareeye2

Sakinah Community Center

Nicholas Kay

ProfAhmed Ismacil Samatar

page46

Profoser Ahmed Ismael Tor

Husein ADucale Austria

Wasiirka Biyaha S/land

Wasiirka Dibadda shir

Mahamed Hashi

Zimbabwe

King Khalid

Ethiopian air

booyadaha hargeysa

Jewish Ethiopian

ciro

geela

burco cabdi aw dahir

coomeey

JAMAC QALIB

Biritsh

Sixir

Adan Cade Airport

Eng Biixi

MilgoTv

Ucid ads Toronto

page52

AmiinArtis

UcidToronto

sweden

Mo Farah

Audio

 
Deeq Lacageed Oo La Soo Gaadhsiiyey Gabadhii Yarad Ee La Kufsaday Ee La Qaadsiiyey Xanuunka HIV-ga.


Hargeysa (HWN) Dhawaan ayey ahayd markii aanu baahinay dhibaato soo gaadhay gabadh yar oo ahayd 14 jir oo la kufsaday saddex sano ka hor, waxa deeq lacageed soo gaadhsiiyey dadweyna kala duwan oo ku nool dalka dibadiisa, halka ay qaar kalana ugu balan qaadeen inay lacago kale soo gaadhsiin doonaan.

Dadka lacagaha soo gaadhsiiyey ayaa kala ah sidan.


Axmed Xaashi Cilmi waxa uu wakiil ka yahay hablo reer Oslo ah, kuwaas oo lacagtaas u soo diray gabadha walaashood ah, halka dhawr qof oo reer Sweden ah ay maanta u soo direen lacagta ku xusan magaca reer Sweden.

Hadaba sheekadii aanu hore u baahanay ayaanu mar kale jecelnay in aanu halkan idinku soo bandhigno.

Gabadh Yar Oo 14 Jir Ahayd Oo La Kufsaday, Kadibna Qaaday Xanuunka HIV-ga

Hargeysa (SBN) Inan yar oo hada da?deedu tahay 17 sano jir ayaa saddex sano ka hor kufsi loogu gaystay magaaladda Berbera, kufsigeeda kadib baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inay qaaday xanuunka HIV-ga.

Waxay ii sheegtay inay xogeen laba nin oo da? ahaan u dhaxeeya shan iyo afartan jir ilaa shan iyo labaatan jir, kuwaas oo ay asxaab ahaayeen gabadh ay shaqaale u ahayd.

Nimco yar maaha magaceeda rasmiga ah balse anaga ayaa u bixinay, waxay noo sheegtay in markii la kufsanaayey gaadhi lagu qaatay, isla markaana lala tagay xaabalaha Saadada oo ku yaala xaafad ka mida magaalada Berbera, waxaana la gaadhsiiyey markii la kufsaday dhawr nabar, iyada oo lagu dhaawacay tooray.

Nimco mar ay ka hadlaysay sidii loo kufsaday waxay tidhi

?Markay gaadhiga nimanku igu qaateen way i kufsadeen oo si xun ayey ii kufsadeen, nabaro badan ayey ii gaysteen, xataa baco ayey igaga dhex tageen oo todoba cisho kadib layga soo saaray aniga. Markii bacaha layga soo saaray dhakhtarka ayaa la i dhigay?

Ilmo ayaa indhaheeda ka soo daadatay markay intaas ii sheegtay, waxaan isku dayey in aan waraysiga hakiyo, balse iyada oo ilinta iska biinaysa ayey sheekadii ii sii waday.

?nimanka mid ayaa qabay xanuunka AIDs-ka, naagtiisuna way u dhimatay, laakin markii aan joogay lix bilood ayuu aniga igu soo baxay.

Cabaar ayey aamustay, waxay qaadatay Nimco yar wakhti neefsasho aho, dabeeto  waxay sii wadatay hadalkeedii

?Way xidhan yihiin, gabadhu waxay ku xukunayd sanad, uur ayey lahayd oo waa layska sii daayey markii ay fooshu ku soo dhawaatay, laakin nimanki way xidhan yihiin ilaa hada?

 

Nimco waxay ii sheegtay in mudo kadib ragii kufsaday laga qaaday magteedii, taas oo ay sheegtay in aanay waxba ka arag, isla markaana ay qaateen rag adeer ugu toosnaa, waxay intaasi iigu dartay inuu ilaahay xuskii ka qaaday Aabaheed, Hooyadeedna ay geeriyootay ka hor kufsigeeda.

Ehelkeedii ugu dhawaa waxay kala kulantay takoor, mudo saddex bilood ah ayaa laysku tuur tuuraayey, waxaanay aakhirkii noqotay dibad wareeg, waxaa ku dhacay xanuuno kale oo ay ugu horeeyaan TB iyo shuban, waxay ii sheegtay in weel gooniya wax lagu siin jiray.

?xataa weel jajaban ayaa wax laygu siin jiray, markii danbe waxaan u tagay ayeyday, ayeydaynay way iska kay ilaalisay oo meel ardaaya oo cidlo ah intay ood iigu waabtay ayey igu tidhi halkaa seexo, markaan habeen u hoyday waan iskaga imi oo ilaa Hargeysa iyo meel Diinqal la yidhaahdo ayaan soo lugeeyey, hadana walaakay ayaan u tagay wuxuu igu yidhi orodoo meelahaa ku dhimo, intaan iska tagay ayaan dooxa saddex cisho u hoyday. Markaan suuqa maraayo waxaa laygu odhan jiray ala taasi waa tii AIDs-ka qabtay ama waa tii la kufsaday oo kale, sidaan isku lahaa dadka iska qari oo ka caraar ayaan meelahaas iska joogi jiray?

Waxay intaasi iigu dartay inay aad uga war war qabto marka ay hada daawooyinka TB-du u dhamaaday halkay ku noolaan lahayd, waxay cuni doonto iyo mustaqabalkeedu wuxuu noqon doono

?dhakhtarka aabahay ayaa iigu iman jiray, laakin imika meel laygu og yahay ma jirto, hadaan u tago way i eryayaan, imika waxaa iigu daran marka aan dhakhtarka ka baxo meeshii aan joogi lahaa ama degi lahaa, wixii aan ku noolaan lahaa, wixii aan cuni lahaa, hawashaas oo dhan ayaan ku fikiirayaa.

Nimco yar waxaan waydiiyey inay ku fikirtay tan iyo markii xanuunku ku soo baxay inay guursato, waxaanay si kooban iigu jawaabtay ?Maya? aniga oo hadalkeeda sii tix raacaya ayaan ku idhi oo waayo? Waxaanay igu tidhi ?Anigu qof walaalkay oo kale ah ma jecli in aan xanuun u qariyo ama aan xanuun qaadsiiyo?

Ugu danbayntii waxay ii sheegtay inay jeclaan lahayd in wax lagala qabto dhanka nolosheeda, waxaanay intaas iigu dartay inay aad ugu han weyntahay inay nolosheeda wax ka badasho.

 


HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKII GABADHA YARAYD EE LA XOOGAY.

 
 
   
Ibraahim Qaasim