(Daawo/Video) Inan Yar Oo 17 Jir Ah Oo La Kufsaday, Kadibna Baadhitaan Lagu Sameeyey La Ogaaday Inay Qaaday Xanuunka HIV-Ga.
Hargeysa (HWN)- Gabadh yar oo 17 jir ah ayaa saddex sano ka hor kufsi loogu gaystay magaalada Berbera, iyada oo wakhitaag da’deedu ahayd 14 jir, waxaanay ii sheegtay inay mudo kadib baadhitaan lagu sameeyey la ogaaday inay qaaday xanuunka HIV-ga, in kastoo loo xidh xidhay ragii u gaystay kufsiga, waxaanay intaasi iigu dartay in kufsigeeda ay lug ku lahayd gabadh ay shaqaale u ahayd xiligaas.
Takoor badan iyo marxalado la soo darsay waxay hada ku nooshahay cisbitaalka TB-da ee Hargeysa, mana haysato hoy u gaara oo ay ku noolaato, laba bilood kadib waxaa laga saari doonaa cisbitaalka TB-da markay ay daawooyinku u dhamaadaa, waxay walaac ka qabtaa goobtii ay ku noolaan lahayd, waxaanay iiga waran tahay sidii sheekadani ugu dhacday.
Fariinteeda ugu weyni waa sidii ay u heli lahayd hoy ay gabood ka dhigato, waxaanay codsi u diratay bulsho weynta soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan.