Toronto:-(HWN)-Waxaa Magalada Toronto lagu furayaa Xafada Scarborough masjid Cusub oo noqon doono midkii ugu waynaa ee Toronto kuyaala gaar ahaan xafada Scarborough taasoo dhawaan la daahfuri doono. Waxaa kale oo Xaflad looqabtay Sakinah Community Center oo uu Shekh Saciid Raage dadweyne badan iskugu yeedhay taasoo dad Somali ahi iyo Ajanibi Muslimiin ahi kasoo qayb galeen taaso taageero loogu doonayay Xaruntan Cusub oo ay kamidka tahay sidii dhalinta yaryar loogu kalmayn lahaa oo wada saxda ah loogusoo leexin lahaa.
Waxaa halkaa lagu sameyay qadhaan aruurin taaso isla goobtaasi lagu aruuriyay lacag gaaraysa 275.000.00 Dadkii kazoo qayb galay ayaa wajiyada kamuuqday faraxdin iyo rayrayn waxaana dhawaan lasoo bandhigi doonaa Masjidka Cusub ee lafuri doono.
Hadhwanaagnews.
Toronto, Canada.