Waxa kale oo xafladda xisbiga WADDANI ka hadlay Haji Omer Abdi Egeh oo ka mid ah odayaasha waayo arag ah ee Reer Somaliland,Haji Omer wuxu ku dheeraaday baahiyaha keenay xisbiga WADDANI ee ka mid yihiin:
Qabyaalada soo noolaatay,Musuqmaasuqa dalka ragaadiyay,Caddaalad darrada dalka ku habsatay iyo arrimo badan oo la xidhiidha tabashada bulshada Reer Somaliland laga soo bilaabo lowyado illaa Laasanood,waxa kale oo hadlay xafladda gudoomiye-ku-xigeenka jaalliyadda Somaliland ee Ottawa mudane Aden Farah Doreh oo ka hadlay baahida loo qabo kobcinta xisbiyada Somaliland ka jira,isla markaana ay soo dhaweynayaan,dhexdhexaadna ay u yihiin dhammaan xisbiyada qaranka.Waxa kale oo xafladda ka hadlay gudoomiye –xigeenka xisbiga WADDANI “laanta”Ottawa mudane Nasir osman,gudoomiyaha garabka haweenka marwo Saado Hassan iyo gudoomiyaha garabka dhallinyarada mudane Abdillahi Ducaleh waxay dhammaantood ku dheeraadeen qorshaha guud ee xisbiga WADDANI u yaala sida la dagaallanka qabiilka ,musqmaasuqa xidhiidhka haweenka iyo xisbiga , xidhiidhka dhallinyarada iyo xisbiga.
Waxa xafladda xisbiga WADDANI soo gunnaanaday xoghayaha xisbiga WADDANI “ laanta “ Ottawa, Eng. Mohamed Abdillahi Nuur oo ka hadlay mabaadiida guud ee xisbiga sida midnimada, horumarka,nabad iyo hirgelinta himilooyinka ummadda Somaliland hiigsanayso ee ay ugu horeyso Madaxbannaani taam ah iyo horumar dheelitiran oo dhinac walba leh,waxa kale oo xoghayuhu ka hadlay in xisbiga WADDANI uu taagan yahay Caddaaladda ,Sinnaansha ,Xoriyada, Waddaniyadda iyo danta guud ee dadka iyo dalka.
Alla Mahad leh,
Xoghayaha xisbiga WADDANI “laanta” Ottawa
Eng. Mohamed Abdillahi Nuur