Jewish-ka Ethiopia Ee Lagu Degaamaynayo Israel Iyo Taariikhdii Ay Ethiopia Yimaadeen
Duulimaadkii Ugu Dambeeyey Ee Barnaamijka Ethiopia Laga Daabulayo dadka Jewish-ka Si Loogu degaameeyo Israel, ayaa Arbacadii La Soo Dhaafay laba Diyaaradood (Two Jetliners) ay 450 Ethiopian Jews ah u qaaday Israel. Waxay ahaayeen dadkii ugu dambeeyey ee ku socdaal barnaamij rasmiya oo la isku duba riday oo lagu gaynayo Israel dhamaan dadka Jewish-ka ah ee ku hadhsanaa Ethiopia, kuwaas oo ahaa Muwaadidiin. Garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv ayaa waxa soo caga dhigatay diyaarad qof kastaa oo arkayey uu ku farxay. Dadka la socday Diyaaradaasi oo qaraabadoodu hore uga yimaadeen Ethiopia ayaa laab furan ku soo dhaweeyey markii diyaarada albaabada loo furay. Achenef Chekole ayaa socdaalkiisa lagu degaamaynayo Israel ee uu kaga yimid Ethiopia ku wehelinayey Xaaskiisa, Laba hablood iyo laba Wiil oo uu dhalay. Qoyskiisa iyo Saaxiibadii oo iyagu kaga soo horeeyey Israel ayaa qaabilay iyagoo ku faraxsan imaanshiiyahooda halkii ay Asal ahaan ka soo jeedeen.
Israel ayaa si buuxda waxay u hawlgalisay Qaybta dawlada u qaabilsan Soo Xerogalinta iyo degaamaynta Jewishka ku firiqsan Aduunka. Waa Wasiir Sofa Landver, Oo soo dhaweynaya dadka Jewish-ka ah ee Imanaya Israel ayaa yidhi. “Kadib Kumanaan Sano oo aad Ku Ducaysanayseen, isla markaana aad rajaynayseen, Waxaad joogtaan halkan oo Dalkiinii iyo Gurigiinii ah”. Ayuu Wasiir Landver u sheegay dadka Jewish-ka ah ee Israel lagu degaamaynayo. Natan Sharansky, Madaxa Hay’adda The Jewish iyo Sofa Landver, Wasiirka Deegaamaynta, ayaa u amba baxay Israel isaga oo wada Kooxdii ugu dambaysay ee dadka Ethiopian Jews-ka ah ee loo ogolaaday in lagu degaameeyo Israel. Dadkan asalkoodu uu ahaa Jewish ee Ethiopianka ah ayaa ah dad muuqaalkoodu Madow yahay.
Waxaana la sheegaa inay ka soo jeedaan oo ay yihiin Caruurtii Boqor Solomon-kii Jewish-ka iyo Boqoradii Ethiopianka ahayd ee Sheba, ka hor Kumanaan Sano Ciise Hortii. Odhaah Kale ayaa dadkan ku tirisa:- Inay ahaayeen Dadkii ka soo qaxay Jerusalem intii lagu guda jiray dagaalkii Rome 500 B.C. Si kastaba oo taariikhdoodu ahaatoba, Shula Mola waxay ku kortay magaalo yar oo Ethioopia ku taala waxaanay maqashay sheekada Jerusalem. “Maaha Sheekada dhabta ah ee Jerusalem. Waa Sheeko Xariiro lagu mala awaalay Jerusalem” ayay tidhi Mola. “Jerusalem waa goob cibaado. Waa Meeshii uu ku noolaa Ciise. Runtii Inaan Indhahayga ku soo arko waa mid I xiiso galinaysa aniga”. Socdaalkeedi ay ku tagtay Jerusalem waxa uu ka bilaabmay lugta iyadoo ka gudubtay lama degaanka Ethiopia iyo Sudan, iyadoo ay weheliyaan dad kale oo Ethiopian Jews ah. Da’deedu waa 12 jir, waxay ka badbaaday Tuug, Gaajo iyo miles ay Bilaa kabo ku socotay. Shula waxa ay ka duushay Sudan iyadoo u duushay Israel sanadkii 1984. kadib iyadoo cabiraysa guushii socdaalkaasi dheeraa, waxay ay tagtay Israel iyadoo aan cid Israa’iiliyiin ahi aanay ka war hayn.
“Wax soo dhaweyn ah namay siin, Wax Dhunkasho iyo Qaabilaad ah maanaan helin, waxaan u jeedaa waxay ahayd is afgarad wanaagsan. Hada waxa aanu nahay halkan” Waxa jiray Duulimaadyo Qarsoon oo boqolaal Ethiopian Jews ah lagaga qaaday Sudan lana geeyey Israel sanadadaasi balse waa markii u horaysay ee Hawlgal deegaamayn ah oo intaa leegi uu dhaco. Waxaana Maraykanku uu caawinayey hawlahaa Sudan lagaga daabulayey dadkaasi.