Daawo: Nin Baaskiil Saaran Oo Si Mucjiso Ah Uga Badbaaday Dhimasho
Amsterdam, (HWN/Agencies):- Dabaylaha duufaanada wata ee ku dhuftay qaarada Yurub oo maalimihii u danbeeyay si wayn, uga dhacayay dalalka Holland iyo England ayaa ahaa kuwo gaystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.
Hasa yeeshee waxa jiray dhacdooyin iyaga laftoodu nasiib wanaag lagu tilmaamay, sida ta qormadeenan oo la xidhiidha nin isaga oo wata ama ku safraya baaskiil uu dusha kaga soo dhacay geed wayn oo dabayluhu soo rideen, balse si mucjiso ah oo Rabaani ah uga badbaaday, kaas oo ilbidhiqsiyo halis kaga nabad galay daawasho wacan Hadhwanaag MEDIA