Dadweyne aad u tiro badan oo E-mailo nooga soo kala diray Daafaha Aduunka ayaa naga soo codsaday in aanu u soo daabacno Heestan "Ducaqabe" Midhaheeda oo Qaraal ah balse hadii aanu nahay Bahda Hadhwanaagnews Waanu ka aqbalnay dadweynahaas sharafta leh ee waatan Heestii oo Qaraal iyo Codkiiba aanu idiin soo raacinay markale dhagaysta oo Akhrista wixii Fikrad ah aad ka qabtaan Heestan sida loo duubay iyo Midhahaba idinkuna noosoo sheega adinka oo E-mailka noogu soo hagaajinaya contact@hadhwanaagnews.com
_______________________________________________________
Ogoow Ducaqabe ogsoonow dalku inuu hantida yahay shacabkiyo dadkoo idil dadku qoys ka badan yahay dantu hebel ka wayn-tahay
haddii damacu waa side aad is tidhi mar duub xidho doorkaa horsood noqo cidi kuuma diine
haku-dilin walaalkaa ha colaadin deriskaa dab ha sudhin xigaalkaa ------------------------------
Ogoow Ducaqabe ogsoonow dalku inuu hantida yahay shacabkiyo dadkoo idil dadku qoys ka badan yahay dantu hebel ka wayn-tahay
haddii calaf ku doojoo intuu shiro dadweynahu dusha shaalka kuu sudho xilku daawo weeye
xidigaha dushaadiyo ha u qaadan derejada dad inaad wax dheer tahey ----------------------------------- Ogoow Ducaqabe ogsoonow dalku inuu hantida yahay shacabkiyo dadkoo idil dadku qoys ka badan yahay dantu hebel ka wayn-tahay
hadaad debeda joogtoo daawanaso gudahoo dareen gaari kugu jiro dadba kula mid weeyee
degalkaan ku nooliyo dunidaan la simanee ha bakhtiin dabkaa baxay. _______________
Curiye Cali Jamac Toronto, Canada
Fikradiina soo Gudbiya sida aad u aragtaan Heestan Cusub
Mahadsanidiin Hadhwanaagnews Toronto, Canada.
|
|