Qoraalkani Wall Street Journal Muxuu Iftiiminaya
Wallow qoraalkani Wall Street Journal lagu daabacay uu u muuqdo mid ay qoreen dad aad uga soo horjeeda in Genel Energy ay shiidaal ka qodo Somaliland, oo lagu tilmaami karo inay ay yahiin maamulka Muqdisho laftigooda oo koodh kale usoo xidhay, oo iyagu olole ugu jira inay dilaan heshiiskani, ayaa haddana markaad dhinaca ka timaado wuxuu qoraalkani oo lagu daabacay wergeys ka mid ah kuwa ugu sumcadda badan dunidu, daaha ka faydaya oo khashifaya, arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yahiin laaluushka wergeysku ku eedeeyey ilaa heer madaxweyne Siilaanyo inuu ka aqbalay shariikadda Genel lacag qadarkeedu dhanyahay 100 malyuun oo dollarka maraykanka ah si ay u hantiyaan qodista ceelal shiidaal oo laga qodaayey beriga Somaliland.
Arrintani ayaa haddii ay dhab tahay waxay fadeexad qaawan oo weyn ku tahay madaxweyne Siilaanyo oo noqonaya madaxweynahii ugu horeeyey ee Somaliland ka taliya oo si toos ah shariikad ajaanib ah uga qaata laaluush lacageed si loo kagana bedesha qandaraasyo iyo heshiisyo saliideed in la siiyo shariikadda Genel, taasi oo dastuurka Somaliland noqonaysa arrin khaayimul qaranimo ah, oo haddii sharciga si dhab ah loogu noqonayo ay xaq dastuuri ah u leeyahiin labada gole ee guurtida iyo wakiiladdu inay arrintani baadhaan, isla markaana madaxweynaha la soo gole joojiyo, laguna soo oogi karo dacwad qarran (Impeachment).
Laakiin Somaliland oo aan dastuur iyo xeer midna aan lagu dhaqmin, isla markaana dastuurka u qorani yahay mid magac u yaal ah, oo keliya xaashiyo duugoobay ku qoran oo xita luuqaddu ku qoranyahay tahay mid iska hor iyo daba imanaysa oo siyaasiyiinta Somaliland uu midiba siduu doono u turjunto, ayaanay hadda macquul ahayn in golayaasha dalka ka dhisan oo noqday fadhiid gacanta ugu jira madaxweynaha iyo xukuumadiisu ay tallaabo inta le'eg qaadi karaan, oo qarranka iyo sumcadda Somaliland bad baadin kari lahayd.
Wergeyska The Wall Street Journal oo ah wergeys ay akhristaan ku dhawaad 100 malyuun oo qof todobaadkii, ayaa qormadani waxay sumcad xumo iyo laf jab weyn ku noqonaysa qaranimada Somaliland, oo lagu shaan badeeyey madaxdeeda laaluush qaatayaal aan waxba la iskaga tirin isla markaana shariikadda Genel Energy ay sida xoolaha uga dhamaysatay heshiisyo.
Madaxweyne Siilaanyo oo sheegta in loo doortay qaab dimuqraadi ah, ayaa u dhaqma qaab ka darran nidaamka diktaatooriyiinta waaweyn ee caalamka la yaqaano u dhaqmaan, isagoo aan jeclayn in la eedeeyo, waraaq ay dhawaan xildhibaanada baarlamaanka ingiriisku usoo direen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayey ku canbaareeyeen xukuumadda Siilaanyo xadhiga iyo cabudhinta ay ku hayso saxaafadda iyo dadka birmo gaydada ah, waxaana xildhibaanadaasi ay ku sheegeen in arrintani ay dhaawacday qaddiyadii Somaliland, qoraalkaasi oo Halbeegnews goor dhaw isagana idiin turjumi doonto soona gudbin doonta kala soco halbeegnews
Halkani guji oo akhriso qoraalka Wall Street Journal
Source:-Halbeegnews, London
contact@halbeegnews.com