Buuga Uu Qorey Jaamac Maxamed Qaalib Ee (The Cost Dictator Ship)Iyo Nuxurka Uu kaga Hadley Qabiilka Isaaqa
Toronto(HWN)-Buug uu dhawaan qorey Siyaasiga da,da Weyn ee Jaamac Maxamed Qaalib kuna qoran Luuqada Af Ingiriisiga oo layidhaa (The Cost Dictator Ship) ka hadlaya Qabiilooyinka Soomaalida iyo habdhaqankooda qeybo badan o kamid ah ayaa waxa uu nuxur ahaan buugan tafaasiil gaar ah kaga bixiyay kaga bixiyay Qabiilka 'Isaaqa' ee loo yaqaan xiligan Beelaha dhexe ee Aqlabiyada Somaliland isagoo Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib qoraalkiisa buugan sumad uga dhigay in ay Isaaqu ahaayeen Qabiilka Aqlabiyada ama ugu badan Somaliland British Protoctrate, oo Xiligii Maxmiyadii ingiriiska Somaliland aheyd, sida uu qoraalkiisa u dhigay.
Jaamac Maxamed Qaalib Waxa kale oo uu ku daah furey in wax weyni iska badelay Isku duubnaantii Qabiilka Isaaqu lahaa wakhtigii ay ku guda jireen halgankii la dagaalanka Dowladii Milatariga aheyd ee Maxmaed Siyaad Barre
Nuqul kamidd ah Qormada Buuga uu qorey Jaamac Maxamed Qaalib ee ka hadlaya Arimaha aynu kor ku xusney, oo Shabkada Wararka Hadhwanaagnews heshay qeyb kamid ah waxa uu udhignaa
The Isaqs who continue the majority of the population of the former British Protectorate , may never have been so united as they were during their struggle against the dictatorial regime of Said Bare. More than anything else, they need to preserve a measure of unity, which once lost, may never be regained. They only maintain it if they can compete with other Somali groups of similar standing, like the Darod or Hawiye; it will be difficult to sustain if they compete only amongst themselves. That has been proven in history and may partly account for serious intra-clan strife and instability in 1991-1992, which not only disrupted humanitarian relief effort but even threatened disintegration of the fragile newly declared republic.
Ummada Isaq oo ah aqlibiyada dadka dega Somaliland British Protectorate waligood ma noqonayaan sidii ay u midaysnaayeen ama wada jireen markii ay la dagaalamayeen xukumaddii Siyaad Bare. Xiligaa wax kasta oo dhaca waxaa uga mahiimsanaaa ilaalinta midnimada, tasoo haddii la waayo aan dib loo heleen. Waxaaney wadajirkan ilaalin karaan inta ay la tartamayaan somaalida kale ee la mid ka ah sida Daarood iyo Hawiye. Aad iyo aad ayay u adag-tahay in ay ilaaliyaan wada jirka haddii ay dhexdooda tartamaan. Arintaas hore ayey taariikhdu u xaqiijisey. Waxaana tusaale u ah dhibaatadii adkayd iyo degenaanshiyo la aantii ay keentay dagaaladii dhexmaray qabaa'ilka sanadkii 1991-1992, tasoo xayirin oo kalliya samofalkii iyo mucaawimooyinkii socday, laakiin khatar geliyay jiritaankii jamuuriyada cusub ee curdunka ah.