Maxaad ka og tahay Wasaarada Maaliyada JSL oo u noqotay irmaan Samsam Cabdi Aadan, walaalkeed iyo Qoyska Qadaxtooyada - Sidee ayey u maalaan? - Qaybtii 5aad
Qormadanina waa mid qayb ka ah qoraalada taanaha ah ee aanu diiradu kusaarayno musuq maamusuga dul hoganaaya Wasaarada Maaliya Jam Somaliland, oo ah wasaarada u noqotay irmaan ay si sharci daro ah u maalaan qoyska madaxtooyada iyo u adeegaha wasaarada ay u magacaabeen, Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna ku biirtay tirada wasiirada ah ee maanta hantida ka samaystay jeebka waxa yari soo galaan ee Qaranka Somaliland. Haddaba maqaalkii qaybihii 4aad ee aad la socoteen todabaadkii hore, ayay qaybtanina sii ambo boqaadaysaa. Waa qormo kusalaysan waayaha iyo wacdiga ku gadaaman musaqa xoogan ee aan lahayn la gabashada ee ka socda ilaha maaliyadeed ee waliga ah.
Hadhwanaagnews oo baadhitaan laxaadle ku samaysay sida lacagta qaranka ee u badan cashuurta umada laga qaado iyo lacagha Somaliland lagu caawiyo, ama lagu siiyo heshiisyo ay xukumadu la gasho shirkado shisheeye, sida heshiiskii ugu dambeeyey ee DP World ay xukumadu la gashay oo waxa ugu weyn ee ay la ordayaan qoyska Madaxtooyada JSL ay tahay lacag buuran oo ugu jirta oo ay helayaan inta aanay ka dhama mudada xil-u-kordhinta ah ee uu sii hayo xilka madaxweyne Axmed Siilaanyo ay doonayaan in ay ka gaadhsiiyaan iyo mashaariicda ay sidoo kale qorshaynayaan in ay ka helaan DP World oo u socondoona ilaa inta uu jiro heshiiskaas DP World.
Arimaha musuq maasuqa ee ay ku jiraan qoyska madaxtooyada Somaliland oo sidii aan hore u soo sheegnay ay fududeeye u tahay wasiirada Maaliyada, Samsam Cabdi Aadan, waxa arimaha bulshada badideedu aanay ogayn, balse masuuliyiin badani og yihiin, balse ay ka aamusan yihiin ka mid ah iyadoo dhawaan ay Wasiirad Samsam Cabdi Aaden iyo Marwada koowaad Aamina-waris ay ku shuraakoobeen sidii ay ula wareegilahaayeen Keenista Shidaalka Dalka yimaada, arinkan oo qayb ka ah damaca badan ee yeelashada hanti ay ka samaystaan ilaha dhaqaale ee ddalku leeyahay, ayaa waxa fikirkeeda keentay in markii DP World lagu wareejiyo Dekeda Berbera ay qayb ahaan qataan maalgashiga Haamaha Shidaalka oo casri ah iyo kordhinta tirada haamaha oo mudda hore lagu darayo haan weyn oo cusub.
Damacan keenista shidaalka iyo la wareega Haamaha Berbera oo laga wareegayo shirkadihii mudo dhaweyd uun lagu wareejiyey, ayaa ah mid ku kooban Marwada uu qabo Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wasiirada gacan yaraha u ah qoyskiisa ee u weecisa wixii lacago ah, Samsam Cabdi Aadan. waxayna ku heshiiyeen, una kale qaybsaday in saam- isku mid ah kuwada yeeshaan, gaarahaan waxaa shuraakadaas qaatay oo lawareegay Wasiirad Samsam walaalkeed, Maxamuud Cabdi Aaden oo kumagac dheer Xaaji in uu u qaabilsanaado dhamaan dhaqdhaqaaqa shidaalka dalka yimaada, waxana ay isa siiyeen, iskuna saxeexeen wakhti aad u badan in ay iyagu keenaan shidaalka, maamulaana Haamaha Berbera. Sdioo kale mashruucan cusub ee aanay wali hirgalin ee Haamaha Berbera waxa filinta iyo dhamaynta xaga dawlada u qaabilsan wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Siilaanyo, oo sida la og yahay ah nin ku mubay weecsiga maal-ka umadda, haatana noqday 'Xidid-ku-xoolow' maal ka yeeshay hanti umaddi leedahay o uu inta badan lacag ahaan ugala baxay dalka.
Maxamuud Cabdi Aaden (Xaaji) oo ah shaqsi hore aad uga caan ahaa dalka Ingiriiska, kuna caan baxay wax-farsamaynta, dhaca -dahsoon iyo wax isdaba marinta ka soo qalinjabiyey magaalooyinka Bristol ee UK oo uu musug maasug xaga guryahay ah kujiray. Waxaa iyana uu kamid ahaa liisdadii dadkii lagu helay musuqmaasuqii kadhacay Mashruucii uu lahaa Maxamed Xasan Carwo ee Dalka UK, gaarahaan Magaalada Birmigam, oo dalwada dalka Britain lagaga dhacay lacago ciida ka badan, taas oo ugu dambaystii ku kaliftay in uu dalka UK ka guuro una guuro wadanka Imaaraadka, isagoo qaatay baasaaboorkii sharciga Kanada oo uu isna haystay.
Khabiirnimada Xaaji iyo u dabacsnaanta Samsam Cabdi Aadan, wasiirada Maaliyadu waa laba arimood oo ay u bogeen qoyska madaxtooyada oo uu horcayo Baashe Cumar oo bulshada Somaliland u taqaan Baashe Morgan, oo ay ugu bixiyeen kaalita uu galay oo xusuusisay Maxamed Xirsi Morgan oo ahaa jeneraal uu sodog u haa Jaale Siyaad Barre, kaligii taliyhii gumaaday umadda oo sodog u ahaa, sodogimadiisiina ku noqday 'Xidid-ku-xoolow' ama nin awood ku yeeshay gabadhii uu qabay ee ina Siyaas Barre, sida Baashe Morgan, oo dano qosyka madaxtooyada awgeed logu magacaabay in uu noqdo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka, danahaas oo ah sidii ay Xaaji yo isagu jaanta iskula heli lahaayeen fududaynta damac qoyska madaxtooyada oo ay hogaamiso Aamina-waris oo ka faa'idaysanaysa xaalada muuqata ee uu galay madaxweyne Siilaanyo.
Bishii barakaysnayd ee Rabadaan ee sanadkan, ayaa 27keedii waxa qasriga madaxtooyada lagu kala saxeeday in 2 haamood oo dib loo dhisi doona la siiyo Wasiirad Samsam walaalkeed Xaaji. Waxa dhismah laba haamood oo cusub kuwada heshiiyey Baashe Morgan iyo Maxamuud Cabdi Aadan Xaaji, hase ahaatee arinta la yaabka leh waxa ay tahay waxa isla lacagta lagu dhisayo laga saaray qasanada Wasaarada Maaliyad, iyadoo Wasiirada Samsam og in ay tahay arin sharciga baalmarsan oo musuqmaasuq ah in ay hadal la'aan sii so lacagtii ay ku qiyaasteen in ay ku dhisayaan 2 haamood oo cusub, hase ahaatee lacagtaas oo si toos ah loogu shubay xisaab-dhigasho ama akaawn (account) magaca Xaaji ah, haddana waxa Hadhwanaagnews loo sheegay in lacagtaas Dubai ay ku kala qaybsadeen Baashe Morgan iyo Xaaji, ilaa haddana ma jiro waxa haamo shidaal oo ay sameeyeen ilaa Ramadantii 27-keedii oo ficilkaa lacag lunsashada ah bilaabeen, lacag qaranku lee yahay qadarkeedu aad u badan yahayna ay gasho gacanta Xaaji.
Marwada koowaad ee Aamina Waris ayaa si xoog ah oo ay u aaminsatahay Wasiird Samsam ay wakhtiga dheer saaxiibka dhow soo wada ahaayeen, isla markaana ay Aamina iyo wiilka ay sodohda u tahay ee Baasha Morgan ay aad u aaminsan yihiin in Wasiirad Samsam Cabdi Aaden ay tahay qofka kaliya ee ay ku aamini karto xoolaha badan ee laga urursanaayo qasnada qaranka. Waxaa jira xisaab-dhigasho ama Account uu ku qoran yahay Maxamuud Cabdi Aaden oo ka furan Dahabshiil, inkastoo shirada Dahabshiil waxa eeda ku lahayn, haddana in si badheedh ah loogu shubo xoolaha dalka laga saaraayo, waxaa isna la isticmaalaa xisaab-dhigasho ama akaawno uu leeyahay ganacsade Maxamed Awsiciid oo ah meesha ay sii marsadaan lacagta badan ee ladoonaayo in dalka dibadiisa loo saaro, ee ay la baxayaan Wasiirad Samsam Iyo Marwada koowaad ee Aamina-waris. oo u badheedhay in ay dalkan ka samaystaan hanti.
Bishii ina dhaaftay ee 8aad ee sanadkan 2016 (bishii Ogos), ayaa waxaa si aan gabasho lahayn looga labaxay khasnada dawlada lacag dhan laba boqol iyo siddeetan Doolar ($280,000) oo loogu iibiyey dhul hore u dayran oo kuyaala xaafadda Shacabka Hargeysa. Dhulkaas waxa lagu qoray haweenay ay shaqsiyan mudooyinkii ay madaxtinimada la wareegeen noqdeen Wasiirad Samsam iyo Marwada Aamina-waris saaxiibo isku-dhow, kadib markii ay ogaatay siro badan haweenaydani, oo la yidhaa Sahra Qaadi, oo ka mid ah haweenkii qurbe-jooga ahaa, aadna ugu dhow marwda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo ay aad ula saaxiib tahay, iskagana dab-qaada labada marooyin. Waa hab xeeladaysan oo ay ku lunsanayaan hantida qaranka, iyagoo shaqsiyaad kale adeegsanaya, sida haweenaydan oo ka mid ah haweenka ka agdhow marwo Aamina-waris.
Dhulkan lagu qoray in ay ibsatay Sahra Qaadi, balse ay wada lee yihiim Samsam Cabdi Aadan iyo Aamina-wari, ayaa waxa uu kuyaala kasoo horjeedka aqalka Jananka Ciidamada Qaranka Somaliland, Nuux Taani. Dhulkan oo ay dawladu hore ulahayd balse lamusuqmaasuqayay markii horeba, ayaa hada marlabaad lacag xad dhaaf ah loogu iibiyay iyadoo iibkani qayb ka yahay lunsiga hantida qaranka oo loo adeegsado shaqsiyaad gacan yare u ah, sida haweenaydan Sahra Qaadi oo iyadu ah haweenay qoys ahaan ka soo jeeda qoyska Sheekhulbaladka Hargeysa ee Reer Sheekh Madar, balse ahayd qurbe joog ku noolan jirtay Kanada iyo dalka Faransiiska oo ay xiliyadii uu madaxweyne Ismaaciil Geele wax-ku baranayey dalka Faransiisaka uu la deganaan jiray dalkaasi, waxayna ka mid tahay Sahra Qaadi saddexda dumara ee ay aadka u aaminsan tahay Marwo Aamina-waris.
Musuqmaasuqa Wasaarada Maaliayada ee dhulkan shacabka ku yaal jeebka qaranka looga iibiyey Sahra Qaadi ayaa la sheegay in ay laba arimood keeneen. Waa ta koobaade in Sahra Qaadi oo aad u taageerta qoyska madaxweyne Siilaanyo iyo xukumadiisa, abaalo horena u gashay ay ugu abaalgudaan in jeebaka qaranka looga iibiyo dhul qiimaha intaa leeg. Ta labaad ayaa ah in sidoo kale sababta loo sameeyay in gabadhan dhulka loo iibiyaa ay tahay iyadii ay xoog ula socoto siraha qoyska madaxtooyada iyo wasiirada Samsam Cabdi Aadan ee habka xirfadaysan ee ay wax u ceesadaan iyo meelaha ay ku shubtaan lacagaha ay dalka ka saaraan, sidaas awgeedna ay ka maarsan weyday in iyadana mar uun wax-looga gooyo qasnada qaranka, si aanay waxba u sheegin. Sahra Qaadi waa haweenayda kaliya ee labaysa Samsam Cabdi Aadan ee og sida ay wax u wado marwo Aamina-waris o nooceedu aanu dalka hore u soo marin markaad eegto boobka umada hantideeda, iibsiga hantida dhisan, sida dhismayaal iyo lunsiga lacago sidooda ah. Waxayna Sahra Qaadi oo aan wax xil ah ku magaabnayn ay haddana u qaabilsan tahay dhanka dhiirigalinta , iyadoo inta badan ka soo muuqata meelaha xafladaha iyo sidoo kale kulanada u gaarka ah marwo Aamina-waris iyo Samsam Cabdi Aadan ee arimahan wax musqa ah. Sidoo kale waxa ay Sahra Qaadi ogtahay hantida lacageed ee lagu shubo akaanada kala duwan ee bulshada ka qarsoon.
Heerka musmaasuqa dalka oo ay dhiirigalisay maqnaanshaha hay'ad madaxbanaan oo baadha masuuliyiinta dalka ee loo tuhmo wax-isdaba marin iyo xaalada aamusan ee madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa ay haatan keentay in madaxweyne Siilaanyo la marsiiyo in la saxeexo wareejinta dekeda Berbera, taas oo looga dan lee yahay uun 10 Malyuun oo ugu jira qosyka madaxtooyada iyo wasiirada ay aadka iskugu dhow yihiin, sida wasiirada maaliyada iyo wasiirka madaxtooyada oo hore u waslad gooyey 15kii Malyuun ee la inoogu sheegay in la galiyey gariinka diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera oo labaduba ay ka muuqato xisaabta dhabta ah ee gashay.
Hatana waxa wasiirad Samsam, walaalkeed Xaaji yoy Baashe Morgan iyo sodohdii Aamina-waris ay todobaadadii ugu dambeeyey ka shaqaynayeen sidii ay u farsamayn lahaayeen 10 Malyuun oo DP Word bixibayso dhamaadka bishan Oktoobar, waxaana sida Hadhwanaagnews ogaatay ku heshiiyeen in lacagtaa laba xisaab-dhigasho ama akaawno oo ay kala lee yihiin Baashe Morgan iyo Xaaji lahu kala farsameeyo. Qaranka Somalilandna la yidhaa lacagtii dalkhliga Wasaarada Maaliyada ayey ku soo dhacday.
Hadhwanaagnews.com oo aad ula socota dhaqdhaqaaqa kajiray Dubia ayaa waxay heshay xogaha ah in dhawaan bishan October lasii dayn doono 10 kii Malyuun ee ay balan qaaday in shirkada DP World bixiso. Hase ahaatee Wasiirada Maaliiyada oo jahawareerin iyo yool habaabis wada ayaa bilihii hor ku dhawaaqay in lacagta DP World bixisay, laguna shubay khasnada Maaliyada Dawlada. Sida Hadhwanaagnews.com ay heshay ayaa waxaa ilaa maanta aan la siidayn lacagtaas. Arrinkan ayaa ay sobob u ahayd in mudada loo kordhiyo madaxweyne Siilaanyo iyo xukumadiisa, si aanay uga hor dhicin xiliga lacagta la bixinayo oo aan cayinayn, balse ku beegan dabayaaqada sanadka.
Qormadan oo aan hore u sheegnay in aanay ahayn mid shaqsiyaadka ku xusan oo kali ah lagu bartilmaameedsanayo, waxa sidoo kale aanu ku eegi doonaa wasiiro kale oo sidan oo kale ay marwo Aamina-waris ku heshiis yihiin 'cunna, anana waan cunaynaa, cidise yaanay ina ogaanin' oo uu ka mid yahay wasiirka ka taajiray buurta Siimoodi oo ay dadka deegaanku ka baraad laayihiin iyo wasiiro kale oo maalinti xilka loo magacaabay iyo maanta intiii u dhaxaysay hantida ay lee yihiin tahay mid aanay la gaban, haba ugu yaaraado guryo ay dad kaga ibsadeen iyo kuwo ay ka dhisteen lacago ay si badheedh ah oo madaxtoyadu la ogyahay ugala baydhay jeebka qarankan Somaliland ee ay u soo shaqo tageen.
Lasoco Qaybata 6aad oo aanu ku soo bandhigi doono arimaha socda ee dadka Reer Somaliland ka dahsoon ee lagu lunsado hantidooda iyo hogaamiyaasha xisbiyadu inta ya kaga jiraan ama ka og yihiin hanti lunsigan. (Sawiro badana waanu soo wadnaa)
Afeef: Qoraalkani ma aha mid ujeedo gaar ah ka leh shaqsiyaadka lagu soo hadal qaaday, hase ahaatee waxa ay qayb ka tahay baadhitaan iyo soo bandhig la xidhiidha musuqmaasuqa baaxada leh ee ka socda xukumada madaxweyne Siilaanyo, oo ka ugu weyn ay ku jiraan qoyskiisa oo hormood ka ah lunsiga hantida umadda. Taas oo ah waajib saxaafadeed in umadda loo soo bandhigo waxa ka dahsoon. Hadhwanaagnews waxay soo dhaweynaysaa ciddii ahaysa wixii arin musuqmaasuq ee xaqiiqada ku salaysan, ku soo hagaaji wixii macluumaad ah contact@hadhwanaagnews.com