Masuuliyiin sare iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani UK oo si baaxad leh u soo dhaweeyey Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro
Image:
London-(Hadhwanaagnews)-taageerayaasha Xisbiga Waddani UK oo si baaxad leh u soo dhaweeyey Gudoomiye Cabdiraxmaan CiroWaxa xalay (Sunday) 21:30 magaalada London soo gaadhey Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Ciro. Gudoomiyaha oo kazoo kicitimay dalka Turkiga uu kaga qayb galay shirkii Somaliland iyo Somalia ayaa waxa si baaxad leh garoonka Hethrow ugu soo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga waddani oo uu horkacayey gudoomiyaha xisbiga ee UK Mr Axmed Cali (Naahi), Xogahaya Arimaha gaarka ah ee Xisbiga Waddani Mudane Xuseen-Asad, Gudoomiyaha Europe Mudane Cismaan, Xubno fulinta heer qaran ah, xubno gudiga UK iyo iyo taageerayaal tiro badan oo ka kala yimi dhammaan laamaha iyo qaybaha waddankan Britain.
Gudoomiyaha oo dhoola cadaynaya kuna faraxsan soo dhawaynta diiran ee taageerayashiisu usameeyeen ayaa mid mid u gacan qaadey dhammaan rag iyo dumarba dadwaynihii u taagnaa soo dhawayntiisa. Gudoomiye Ciro ayaa la filayaa inuu mudo usbuuc ah ku nagaado dalkan UK isagoo warbaahinta u sheegay inuu inta uu joogo la kulmi doono, bulshada reer Somaliland, taageerayaasha xisbigiisa iyo xubno ka mida dawlada Britain. Gudoomiyaha oo cabbaar ku sugnaa madaarka gudihiisa aaadna u raali geliyey dadwaynihii soo dhaweeyey isagoo dhammantood siiyey fursad ay ku salaamaan ama sawiro kula galaan ayaa ugu dambayntii loo gelbiyey Xagaa iyo Huteelka loo qoondeeyey inuu ku nasto mudada uu ku sugan yahay cardigan Boqortoyada Ingiriiska