Lr 17, ayaa maamulka dawlada hoose ee caasimadu ay sheegeen in hawshoodii qorshaynta dhulka danta guud ay sii wadayaan, isla markaana aanay u joojinayn wareegtada wasiirka oo ay sheegeen inay baalmarsan tahay sharciga iyo xeerarka.
Khilaafkan awoodeed ee salka ku haya sharciyada qorshaynta dhulka danta guud ee ka dhex taagan dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee dalka oo la filayay in golayaasha xeer dajintu Guurtida iyo Wakiiladu oo iyagu ansixiyay isla markaana dajiyay xeerka maamulka dhulka ee Lr 17 inay cadeeyaan awoodaha ay u kala leeyihiin dhulka danta guud xukuumada iyo maamulada dawladaha hoose ayaan ilaa hada iyagu soo dhexgalin murankaasi sharci, isla markaana looga baahnaa maadaama ay yihiin golayaashii xeer dejinta dalka in murankaasi sharci ee labada dhinac ka dhex aloosan ay ka garnaqaan ayaa iyagu isku daawanaya xukuumada iyo dawladaha hoose.
Si kastaba ha ahaatee golayaasha sharci dajinta ee labada gole Baarlamaan ayaa looga baahan yahay inay si dhakhso ah uga hawlgalaan murankaasi sharci ee ka dhex curtay dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee dalka inay soo afjaraan, isla markaana u yeedhaan wasiirka hawlaha guud C/risaaq Khaliif Axmed iyo maamulka dawladaha hoose ee dalka ee khilaafkan sharci sida tooska ah saamaynta ugu leeyahay iyagoo u eegaya shuruucda iyo xeerarka u yaala dalku waxay dhigayaan.