WASIIR XUSEEN ABDI DUCAALE OO KA SOO QAYB GALAY. CASHO SHARAF UU SAMEEYEY. WASIIRKA TAMARTA EE DOWLADA WESTERN AUSTRALIA.
Image:
Melbourne, Australia: (HWN) Waxa xalay casho sharaf lagu sii sagootinaayey madaxdii ka soo qayb gashay shirkii weynaa ee caalamiga ahaa ee loo yaqaano AfricaDownUnder Conference oo lagu qabtay Hotelka weyn ee loo yaqaano Pan Pacific iyo Novatel. ee ku yaala magaalada shirkani ka dhacaayey ee loo yaqaano Perth City. Hadaba waxa casho sharaftan fidiyey isla markaasna marti loo ahaa wasiirka Tamarta/Dhaqaalaha iyo is dhexgalka bulshada. The Hon. Mike Nahan MLA. The Minister for Energy, Finance, Citizenship and Multicultural Interests. Government of Western Australia.
Waxa hadaba casho sharaftan ka soo qayb galay wasiirka macdanta iyo tamarta ee dawlada Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale... The Hon. Hussein Abdi Dualleh. Minister for Energy and Minerals. Government of Somaliland. Oo kulan dheer la qaatay wasiirka martida loo ahaa mudane Mike Nahan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Maraykanka. Hadaba casho sharaftan ayaa wasiir Xusseen Cabdi Ducaale ka soo jeediyey dhawr kalmadood oo mahad naq ah isagoo ka mahad celiyey sida quruxda badan ee dawlada Australia ugu soo dhaweysay ka qayb galka shirkan AfricaDownUnder Conference.
Dhanka kale waxa goobta lagu soo bandhigay ciyaaro kala gedisan oo laga ciyaaro wadamo badan oo qaarada Africa ka mid ah. Iyadoo dadka badankiisu ay dareemayeen in ay weli joogaan Africa. Marka la eego sawaxanka durbaanada iyo dabcan ciyaaraha kala gedisan ee lagu sii macasalaamayenaayey madaxda faraha badnayd ee goobta ku sugnayd. Hadaba siday doontaba ha ahaate waxa la odhan karaa waxa uu shirkan looga hadlaayey khayraadka ku jira qaarada Africa ee ka qabsoomay magaalada Perth ee dalkan Australia uu ku soo dhamaaday si heer sare ah oo aan laga sheekayn karin. Waxa wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu maanta dib ugu soo kicitimay dalkii hooyo ee Somaliland.
Ugu danbayntii sidaan horeba idiinku soo sheegnay waxaad dhawaan shirkan oo muuqaal ah iyo dabcan wacdarihii goobta ka dhacayba aad kala socon doontaan shabakada wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com iyo Telefeeshinada kala ah TV-ga Qaranka. Somaliland National TV iyo dabcan Telefeeshinka HCTV AUSTRALIA.
Speaking on behalf of Somaliland Australian Friendship Foundation. www.somalilandfoundation.com. I just want to express my ultimate and utmost heartfelt appreciation and gratitude to His Excellency Ahmed Mohamed Mohamoud "Siilaanyo" the president of the Democratic Republic of Somaliland. For dispatching towards Australia for one of his most heavyweight and remarkable minister to mainland Australia and subsequently convey his message to those major Australian mining companies for possible exploration and discovery opportunities of totally untapped potential oil and gas exploration opportunities in Somaliland into the foreseeable future.