Shirkada GSK Group Oo Wakhti Kooban Gudihii Heer Caalami Ku Gaadhay Dhisme Xarun U Noqon Doonana Dhawaan Farta Laga Qaaday
Djibouti, (HWN):- Shirkada Ganacsiyada iyo Adeegyada kala duwan ka hawl gasha ee GSK Group, oo ah shirkad uu aasaaskeeda lahaa ganacsadaha reer Djibouti ee Ahmed Osman Guelleh, ayaa wakhti aad u kooban gudihii ku gaadhay heer caalami ah, waxaanay hir galisay horumar ganacsi oo muuqaal iyo tayo ahaanba aad u sareeya iyo adeeg sareeya oo mustawihiisu dunida horumartay la jaan qaadayo.
Shirkada GSK Group Oo adeegyada kala duwan iyo hanaanka ganacsiga kala gadisan isugu jira ka kooban, oo la aasaasay sanadkii 2005-tii, waxa ay dhawaan hir galisay dhisme wayn oo xarun u noqon doona, kaas oo ah mid bilic iyo nidaam ahaan labadaba u qalma hawlaha ay shirkadu qabato wakhtigan iyo kuwa ay ku hamiyayso inay mustaqbalka fuliso.
Dhismahan xarunta guud u noqon doona GSK Group, oo ah mid casri ayaa wax wayn ka tari doona, kor u qaadida adeegyada ay shirkadaasi u qabato macaamiisheeda kala duwan ee gobolka geeska afirka.
GSK ayaa ujeedada aasaaskeedu salka ku hayay, sidii loo abuuri lahaa loona hawl galin lahaa, shirkad qaybo kala duwan ka kooban, oo horumar ganacsi iyo adeeg hufan ka hir galisa, Jamhuuriyada Jabuuti iyo waddamada gobolka.
Muddo kooban gudahood waxa ay GSK Group, kaga soo mudhay saaxada ganacsi iyo adeeg ee dalalka gobolka, ilaa heer caalami ahna hore ugu talaabsatay, waxa ay hir galisay, ganacsi, warshadayn iyo adeegyo kala duwan oo rarka shixnadaha ganacsi, dhismaha iyo adeegyada kale ee madadaalada ah isugu jira.
GSK Group oo ka kooban ilaa lix iyo toban shirkadood oo kala duwan, waxa ay ka hawl gashaa, Ganacsiga, Dhismaha, Multimedia, Socdaalka, Maraakiibta, Warshadaynta, Saadka, Wax soo saarka, Adeegyada Boosta iyo isgaadhsiinta.
Maareeyaha guud ee GSK Group, Ahmed Osman Guelleh, ayaa bayaan uu ku faah faahinayo, mustawaha shirkadoodu u shaqayso ama Profile-ka GSK Group, ku baahiyay mareegta ay internet-ka ku leeyihiin.
Bayaankaas Ahmed Osman Guelleh waxa uu nuxur ahaan u dhignaa sidan:-
Figrada ah in Djibouti yeelato Group, waxa ay Ahmed Osman Guelleh, ku dhalatay sanadkii 2005-tii. Muddo kooban gudaheed, waxa ku hir gashay, shirkada ay kooxahaasi ku midoobeen, ee GSK Group, taas oo door wayn ka ciyaartay dalalka gobolka oo dhan,
Dunidan aynu ku noolahay, way adag tahay in la cabiri karo, caqabadaha waxa maqan, hasa yeeshee si loo yareeyo, guulna loogu talaabsado, waxa ay u baahan tahay, awood, caqabad kasta oo cusub, aad ku waajahdo fikrad cusub, adigoo ku dabaqaya Hal-abuur, waayo aragnimo iyo khibrad.
Caqabadaha soo baxaa, xaqiiqo ahaan waa kuwa kooxda maalin kasta iyo meel kasta oo dunida ah, waxay nagu beeraan xamaasad, aanu ku helno xalka ugu wanaagsan uguna caqli galsan ee aanu ku xalino arrimahaas, taas oo xoojisay ganacsigayaga.
Waxay qaadataa wakhti badan in dareenka ama fikradaha u badasho, xal wax ku ool ah oo midho dhal ah, in badan oo badeecooyinka iyo adeegyada aad guul ku soo kordhiso. Laakiin waa ta aanu ku faanayno ee shirkadayada ka dhigtay inay ka mid noqoto kuwa ugu horeeyay Geeska Afrika.
Haddii Shikaddaadu tahay mid dad kala duwan iyo ganacsadayaal yar yari ku midoobeen, isla markaana aad doonayso inaad ka hawl gasho, suuqyada caalamiga ah waa inaad fahmi karto, adeegyada macaamiishaadu u baahan tahay iyo sida aad ugu adeegi karto habka ugu suura galsan uguna wanaagsan.
Yoolka GSK Group.
“Sidii ay noqon lahayd ta ugu horaysa ee hogaamisa ganacsiga iyo adeega Geeska Afrika.
Ku Balaadhinta dunida oo heer caalami ah laga dhigo.
In ay kobciso horumarka iyo nolosha dadka reer Jabuuti iyo dalalka kale ee ay ka hawl gasho.
GSK waxa ay ka kooban tahay lix iyo toban shirkadood oo ku takhakhusay aqoona u leh, Dhismaha, multimedia, Socdaalka, adeega hawlaha maraakiibta, shipchandling, Saadka, wax soo saarka, ganacsiga guud iyo adeegyada boostada”. Ahmed Osman Geelle Mulkilaha Shirkadda GSK.
Gabagabadii Shirkaddan GSK Group Ayaa dhawaan lafuri doonaa taasoo ay Hadhwanaagnews si toos ah usoo tabin doonto Furitaanka Dhismahan lafilayo in bilahan soo socda lafuro.