Daawo: Carwo Shirkadaha Dunida Ugu Waaweyne Ee Mobile-da Sameeya Uga Furantay Magaalada Barcelona
Barcelona, (HWN/Agencies):- Magaalada Barcelona ee dalka Spain ayaa waxa isugu soo ururaya Madaxda iyo khabiirada ugu sareeya ee shirkadaha telefoonada gacanta kuwooda ugu casrisan sameeya ee dunida.
Carwada 2014-ka ee shirkadaha telefoonada gacanta sameeya oo si rasmi ah u furmaysay Isniintii waxa lagu soo bandhigi doonaa, aaladihii ugu casrisanaa uguna danbeeyay ee shirkadaha, Nokia, Sumsung, Sony iyo kuwo kale oo tira badan, waxaanay noqon doontaa meel ay shirkaduhu isugu awood sheegtaan.