Kama Qayb Galayno Shir Aanu u Daba Fadhiisanayno Madaxweynaha Somalia” Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka cusub ayaa sheegay inuu tagaayo meel kasta oo ay danta Somaliland ku jirto, marka uu kala tashado madaxweynaha iyo cida ay qusayso, waxaanu intaas ku daray in aan laga xishoon wixii dalku u baahan yahay.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada oo xilkii la wareegay sheegayna inuu somaliland ku arkay hadal badan iyo af-lagaado, dalbadayna in lays barbar-taago oo la noqdo umada isku duuban.
Hadaba halkan ka daawo barnaamij aanu idiinka diyaariyey xilkii uu maanta la wareegay