Wefti Ka Socda MaamulkaPuntland Oo Socdaal Ay Ugu Gogol Xaadhayaan Madaxweynaha Garoowe Ku Yimid Degmada Badhan
Hargeysa, - (HWN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa la sheegay inuu ku soo jeedo deegaanada bariga Sanaag ee Somaliland, kaas oo wafti ka soo horeeyey oo gogol xaadh ahi uu kasoo kicitimay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo hada ku sugan degmada Badhan.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad goob joog ku ah degmada Badhan ayaa sheegay in madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ay magaalada Badhan qabanqaabo loogu jiro soo dhawaynta socdaalka uu ku iman doono dhawaan deegaanadaasi, kuwaas oo ila wareedyadu intaasi ku darayaan in degmada Badhan ay shalay socdaal ku yimaadeen masuuliyiin ka socda maamul goboleedka Puntland oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada bariga Sanaag, kuwaas oo la sheegay in isla shalayba ay kulamo la yeesheen madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka beesha bariga Sanaag, una cadeeyeen in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho sidii gogol xaadh ay ugu samayn lahaayeen socdaal uu dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ku imanayo deegaanada bariga Sanaag.
Ujeedada socdaalka hogaamiyaha Puntland uu ku imanayo bariga Sanaag ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu deegaanada bariga Sanaag caalamka ugu muujin lahaa in deegaanada bariga Sanaag iyo beesha degtaaba ay ka tirsan yihiin maamul goboleedka Puntland.