Masuul ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha oo saaka xaaskiisa ay ku toogatay magaalada Muqdisho
Masuul ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha ee xukuumada federaalka Somalia ayaa saaka lagu toogtay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan masuulkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Shiikh Sadiiq (Jarati) ayaa waxaa toogatay mid ka mid ah dhowr xaas oo uu lahaa, taasoo rasaas ku furtay saaka aroornimadii xili uu isku diyaarinayey inuu shaqadiisa u soo dhaqaaqo.
Lama hayo faahfaahin ku saabsan sababta keentay in haweeneydan ay toogasho ku disho seygeeda oo ka tirsanaa masulliyiinta wasaarada arrimaha gudaha, hase ahaatee dad ehelo la ah ayaa sheegaya inuu jiray khilaafaad dhinaca qoyska ah oo ka dhex aloosnaa mudooyinkan.
Illaa hadda lama hayo warar ayaa Hadhwanaagmedia u sheegaya in haweeneyda dishay seygeeda ay baxsatay iyo in gacanta lagu dhigay, waxaana marxuumka oo dilkiisa loo adeegsaday qori guriga u yiilay isla saaka lagu aasayaa degmada Kaxda.
Dhowaan ayey aheyd markii sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida ay isagoo hurda qorigiisa ku toogatay xaaskiisa oo kula kula nooleyd guri ku yaala degmada Xamar Jajab sababo la xiriiray arrimo maseyr.