Ninka Dunida Ugu Dheer Oo Guursaday Gabadh Kala Badh Ku Noqonaysa Toban Sanadoodna Ka Yar
Istanbul, (HWN/Agencies):- Ninka loo aqoonsan yahay inuu dunida ugu dheer yahay, Suldan Kosen, oo u dhashay dalka Turkiga ayaa guursaday haweenay uu ku tilmaamay mustaqbalkiisa nololeed ee dhibaatadii haysatay ka dul qaadi lahayd.
Inkasta oo gabadhan uu guursaday toban sanadood ka yar tahay, isla markaana kala badh ka gaaban tahay, haddana waxa muuqata inuu si wayn ugu farxay taas oo ay ugu wacan tahay, guur u meernida oo ku dheeraatay ninkan oo dherarkiisa xad dhaafka ah ee labada mitir iyo 43cm ahi sababay inay ku adkaato sidii uu u heli lahaa gabadh marwadiisa noqota.
Haweenaydan uu guursaday ninka dunida ugu dheer Suldan Kosen, oo lagu magacaabo Marwa Dibo, ayaa ah gabadh dhalashadeedu ka soo jeedo, dalka Suuriya ama reer Suuriya ah, waa gabadh labaatan jir ah oo gashaanti ah, taas oo dherarkeedu dhan yahay mitir iyo konton, dherarkaas oo ah xadiga dumarka ka ugu wanaagsan laakiin marka ay is garab taagto, Ninkeedan ugu dheer dunida waxa ay noqonaysaa sidii qof dhal ah oo garab taagan qor wayn
Lamaanahan oo si ka dis ah isku bartay ayaa wada sheekaysi la isugu malxiisay oo ehelada ninkani ka qayb qaateen ka dib, wax aka dhex abuurmay is aaminaad iyo jacayl sababay in ugu danbayntii ay is guursadaan.
Suldan Kosen oo dherarkiisu noqday xad dhaaf waxa haleelay xanuun lafaha burburiya, kaas oo ay qasab ku noqotay in qaliin deg deg ah lagu sameeyo, laakiin waxa u sii dheerayd isaga oo sida uu warbaahinta u sheegay ay xaas la’aani u dheerayd oo aanu haysan qofkii nolosha la wadaagi lahaa.