Xafiiska Ethiopia Ku Leedahay Hargeysa Oo Fiisihii Dalkooda Lagu Galayey Adkeeyey Iyo Jaha-Wareer Haysta Dad Muraado Kala Duwan U Leh Dalkaasi
Hargeysa, -(HWN) – Muwaadiniin aad u tiro badan reer Somaliland ah oo muraado kala duwan u tagi lahaa dalka Ethiopia ayaa todobaadkii ugu danbeeyey caqabadi ka haysatay sida ay ku heli lahaayeen Fiisaha dal ku galka ah ay wakhtiyadii hore uu sida fudud u siin jiray Xafiiska dawladda Ethiopia ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Dadkan oo iskugu jira dad Caafimaad u tagaya, kuwo dalkaasi ka dhoofaya iyo kuwo arimo kale u tagayeyba ayaa sida ay dadkaasi u sheegeen Wariye ka tirsan Wargeyska Haatuf oo shalay booqday xarunta Xafiiska Ethiopia ku leedahay Hargeysa ayaa lugooyo badan kala kulmay halkaasi, kuwaas oo balamo badan ay u qabteen madaxda xafiiskaasi, isla markaana aanay ilaa hada waxba ka fulin.
Sidoo kale Muwaadiniintan ku cadilan Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ku jira qaar laga soo celiyey magaaladda Tog-wajaale ee xuduuda galbeed ee Somaliland iyo Ethiopia, kuwaas oo qaarkood xanuunsayaan oo ay la ildaran yihiin xaalad caafimaad daro, damacsanaana inay tagaan dhakhtarada Magaaladda Herer oo badanaa bulshadda dalku tagaan. Arrintan ayaa sida ay Wargeyska Haatuf u sheegeen dad xogogaal ahi inay ka danbayso Munaasibadda Qoomiyadaha dalka Ethiopia oo dhawaan la filayo inay ka dhacda Magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad-deegaanka Kililka 5-aad ee Ethiopia, taas oo qaban-qaabadeedu ka socoto halkaas, balse aan si dhab ah loo garanaynin sababta rasmiga ah ee Muwaadiniinta Somaliland loogu diiday inay galaan Wadankaasi, xili dawlad-deegaanka Kililka Shanaad aanu isaguna ka hadlin arintaasi. Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan iyadu ilaa hada ka hadlin mushkiladda muwaadiniinteeda ka haysata fiisaha dal ku galka Ethiopia, isla markaana aan wali wax faah-faahin ah ka bixinin sababta culayska ilaa heerkaas ah loo saarayo bulshadda reer Somaliland ka soo muraadsanaysa dalkaasi.