Musuqmasuqa wasaradda Maliyada ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan
Waa qaybtii labaad ee aynu diirada ku saarayno musuq maasuga weyn ee dul hoganayaaya Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirad Samsam Cabdi Aadan oo maraaya meeshii abid ugu xumayd, tani oo horseedi karta burbur hor leh oo ku dhaca Wasaarada Maaliyada, keeni kartana in wasaaradu ku dambayso mid ku magacaaban qasnad madhan oo qaranka laga dawleystay kumanaan lacag ah oo la weecsaday, dhamaadka xukumadana la yidhaa waa "Qasnad qaran oo madhan" sidii hore aynu u maqalnay sanadkii 2010kii.
Ka sokow isku muujinta sidii oo ay wasiirada Maaliyadu dalka iyo dadka u daacad tahay, haddana waxase ay Samsam Cabdi Aaden ay u badheedhay in ay si dadban oo aanay dadku dareemin u baal marto daacadnimada iyo ku shaqaynta dareen muwaadin oo taariikh roob u reeba, waxayse si shaqsi iyo mid kooxeedba uga faa'idaysaa jeeb-ka-buuran ee qaran Somaliand ee lagu aaminay.
Waa qaybtii labaad ee aynu diirada ku saarayno musuq maasuga weyn ee dul hoganayaaya Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirad Samsam Cabdi Aadan oo maraaya meeshii abid ugu xumayd, tani oo horseedi karta burbur hor leh oo ku dhaca Wasaarada Maaliyada, keeni kartana in wasaaradu ku dambayso mid ku magacaaban qasnad madhan oo qaranka laga dawleystay kumanaan lacag ah oo la weecsaday, dhamaadka xukumadana la yidhaa waa "Qasnad qaran oo madhan" sidii hore aynu u maqalnay sanadkii 2010kii.
Habkaa dahsoon ee Wasaarada Amaaliyada ay uga faa'iidaysatay waa mid madaxtooyada Somaliland si cad loogala socdo, hase ahaatee xaalku waa adna cun, anana waanu cunaynaa, cidise yaanay ina ogaan. Tanaina waa ta keentay in Samsam ay hanti aan cimrigeeda ka hor inti aan xilka wasiirnmo loo dhiibin maanta ay si gaar ah u leedahay. Habkan Samsam adeegsataa waa mid ay ka soo dheegtay masuuliyiintii ka horeeyey ee ay ka mid ahaayeen kuwii wasaaradan soo maray qaarkood, ee aakhrikii markii Kumiye hogaanka la wareegay ay inoo sheegeen in qasnad madhan lagu wareejiyey. Hase ahaatee qasdiga iyo qorshaha Samsam iyo madaxtooyada oo la ogi ma aha in ay qasnad madhan wareejiyaan marka mudado kordhinta xilku ka dhamaato, hase ahaatee waa qorshe cusub oo qadhiidh ka tag ah marka loo eego aduunka laga weecsado Wasaarad Maaliyada JSL.
Xulashadii hore ee Madaxtooyada Somaliland ay ku xulatay in Wasaarada Maaliyada loo dhiibo Marwo Samsam Cabdi Aadan ma ahayn mid lugu xushay aqoon wasaaradeed oo noocan ah, hase ahaatee waxay salka ku haysay sidii ay u fududayn lahayd weecsiga hantida umada oo Madaxtooyada Somaliland hoy u tahay qoys aan noociisu hore u soo marin Somaliland oo ay hormood u tahay marwo Aamina-waris oo hantidii ugu badnayd ee lacageed ee abid Somaliland ay weecsadaan qoys madaxtooyo iyagu weecsaday, ilaa haddana weecsada, waliba iyadoo ay u dheetahay xaraashka iyo iibka hantida maguuraanka ah ee qaranku lee yahay, sida dhul, guryo iyo dulsaarashada qalabo la sheego in dalka loo soo iibiyey oo ay ka mid yihiin qalabka mustacmalka ah ee la sheegay in dariiqyada Hargeysa lagu samaynayno oo marwo Aamina-waris qaranka la soo hor istaagatay in 3 malyuun oo Doolar la soo siiyey, iyadoo sida Hadhwanaagnews baadhitaan ay samaysay ku heshay in qalabkaa la saartay soo iibintooda lacago shan jeer ka badan qiimahooda, una dhaweyn qalab 3 malyuun oo Doolar lagu sheego.
ad tahay, haddana waxase ay Samsam Cabdi Aaden ay u badheedhay in ay si dadban oo aanay dadku dareemin u baal marto daacadnimada iyo ku shaqaynta dareen muwaadin oo taariikh roob u reeba, waxayse si shaqsi iyo mid kooxeedba uga faa'idaysaa jeeb-ka-buuran ee qaran Somaliand ee lagu aaminay.
Taasina waa astaanta in aanay Samsam Cabdi Aadan kali ku ahayn weecsiga hanti-lacageed oo jeebka qaranka, hase ahaatee marwo Samsam oo taageero ka haysaya madaxtooyada JSL , waxayna taasi ku sii dhiirigalisay in xataa dhamaadkii sanadkii hore ee 2015kii oo ay dalka timid h'ay'ada loo soo gaabiyo magaceeda DEFD oo laanteeda London, ay doonaysay in ay ka caawiso Somaliland habaynta dakhli ururinta iyo qorshe-wanaagsan u dhiga Wasaarada Maaliyada, oo ay xukumada ahaan markii hore danaynayeen, ayaa waxay Wasiir Samsam CAbdi Aaden iskula mari laayihiin sidii loo dhisilaahaa qorshe cad oon lahayn musuq maasug oo lagu caawin lahaa dalkan Somaliland. DEFD waxay diyaar u tahay in ay Waddanka Somailand galiso lacag badan balse Wasiirada oo ka codsatay in lacagtaas iyada gacanta loo galiyo, qorshoe la’aan ayaa waxay hay'ada DEFD ay diidmo qayaxan kala hortagtay qorshii ay wateen taas oo Wasiir SAmsam Cabdi Aaden u conamii waayey, kadib markii hay'adu diiday in wax lacag oo too jeebka loogu shubo.
Qorshihii 5naad ee ay Samsam uga xoolee is tidhi walaalkeed Xaaji Cabdi Adan
DEFD oo qorshe ahaan doonaysay in JSL ka caawiso hab nidaamsan oo ku ay shaqeeyaan iyagoo ula diyaar ahaa in ay waxka qabtaan dhamaan wasaaradaha Somiland badankood hab ahaa sidii mushruuc Somaliland loogu samynaayo iskuxidhka waxa looyaqaan Networking Sytsem, ee ay kuwada shaqayn lahaayeen dhamaan Wasaaradaha kajira dalka Somiland oo dhan. Horumar casriya ayaa waxay Wasiir Samsam kadoor biday in lacagtaas ay iyadu qabato, Waana halka uu walaalkeed Maxamuud oo loo yqaab Xaaji ay qorshihii DEFD inta ay sifo hanti doon ah ku warejisay uu isna keenay niman u dhashay dalka Pakistan oo uu doonaayey in ay yidhaah daan waxaanu nahay shirkada qaadanaysa mashruucaa isku xidhka wasaaradaha balse uu ucuntami waayay DEFD oo iyadu maalka ku baxayey qorshahan bixinaysay.
Wasiirada Samasam Cabdi Aadan oo adeegsanaysa walaalkeed Xaaji ayaa waxa ay hoos ahaan usiisaay mashruucii DEFD fulinaysay, taas oo ujeedadeedu ahayd in ay xoolayso walaalkeed, balse sida kucad dastuurka qaab hufan oo furan oo qandaraas bulshada si siman loogu soo wada dhigo.
Maxamuud Cabdi Aaden oo hore udagaanaan jiray dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ushaqan jiray wakaalad uu lahaa Maxamed Xasan Carwo ayaa waxa uu labax saday oo uu lajeexay lacag qadar, lacagtaas oo si wax-is-daba-marin ah dalwada Ingiriiska looga qaatay. Lacagtii uu ka helay dalka Ingiriiska oo uu baasaaboorkiisii UK kaga googoostay, balse haatan dalka Imaaraadka ku jooga sharci ama baasaboor Kanada ah oo xaaskiisu degnaa, ayaa u noqday Wasiirad Samsam ka indha u furay qaabka looga xoolaysto Somaliland, sida uu UK ka soo bartay oo kale.
Xaaji oo ah shaqsi marwalba walaashii si dadban ugu xidhan ayaa waxa uu wasaarada maaliyada uu ku leeyahay awood qarsoon oo xoog badan, shaqaalaha wasaarada ayaa og in ninkan Xaaji aanay haba yaraatee ka hor iman karin, maadaama uu yahay shaqsiga ugu tunka weyn ee ay kadanbayso Wasiir Samsam iyo Baashe Moorgan oo xulifo ku wada ah urursiga aduun oo jeebka qaranka ah.
Waxaan tusaale ugu soo qaadan karnaa dhacdadii kudhacday Wasiir Cabdicasiis Samaale oo inta tiro yari ogtahay ku waayeyy shaqadii wasiirnimo isagoo ka hor yimid mashruucii ay wateen Xaaji iyo Baashe Morgan oo ahaa qalabkii loo soo iibinaayey wasaarada shidaal ka ee Berbera, si loo tayeeyo shidaalka imanaaya wadanka. Hase ahaatee si ay lacag dheeraad ah oo dulsaar iyo dhac ah u helaan, ayaa waxay soo ii biyeen qalab ay ku shegeen in uu qaranka ku joogo lacag dhan 357 kun oo doolar lagana soo iibiyay magaalada Dubia, taasi oo shirkad nin Hindiya ay ka soo iibiyeen laga codsaday in uu buunada ku soo qora hal malyuun oo Doolarka Maraykan ka ah.
Dhacdadan ayaa markii wasiir Samaale lagu amray in uu siidaayo lacag dhan 700 kun oo dollar ee uu kale hor yimid diidamada qayaxan, waxay tani keen tay in si toos ah looga qaado xilkii maadaa uu ka hor yimid Xaaji oo ah shaqsiga ay Samsam Cabdi Aaden ku qarsato lacagta masaankiinta ee dalkan laga uruuriyo iyo Baashe Morgan oo ay shuraako ku yihiin urursiga hantida umada, iyagoo labadaasi ka kala wakiila Samsam Cabdi Aadan iyo Aamina-waris oo heshiis ku ah in ay ka xoolaystaan qarankan saboolka ah ee JSL.
Isla maalintaa Samaale ay xilkiisi sahayatay diidistii qayax nayd ee uu kale horyimid Samsam oo too xidhiidh ula samaysay Samaale si uu walaalkeed iyo Baashe Morgan ugu sii daayo lacagta iyadoo og kalsoonida iyo xidhiidhka awooda badan ee ay ku leedahay Madaxtooyaa iyo qoyska ilaa xididkoodu jeebka qaranka loo furay.
Musuqmaasuqa aan qarsoonayn, balse qoyska madaxtoyada iyo wasiirad Samsam ay moodayaan in uu dadka ka dahsoon yahay, umadduna aanay arkayn aduunka lacageed ee ay dalka kala baxeen iyo hantida dhuleed, beer iyo mid kaleba leh ee ay mudii xilka umada loo dhiibay ku yeesheen, waxa muuqata in ay dibada u soo baxayso, dahsoonaan iyo qarsoodigii ay la rebeena uu meesha ka sii baxayo, waayo waxa haatan saxaafadu ku baraarugtay, sida Hadhwanaagnews heerka wax yihiin oo aan ahayn mid laga sii aamuso.
aso Qayba Saddexaad oo aanu kusoo bandhigi doona lacago dheeraad ah oo ay Wasiirka maaliyadu si bdheedh ah usiisay walaalkeed, iyadu hantida lacageed ee ay maanta leedahay iyo waliba habka cajiibka ah ee ay ula shaqayso qoyska madaxtooyada oo ku suntan qoys noociisu aanu Somaliland hore u soo marin markay noqoto boobka cad ee hanti lacageed iwm.
Xusuus: qoraalkani waa mid ku salaysan xaqiiqada ka jirta Waasarada Maaliyada iyo habka qoyska madaxtooyada JSL dalka uga lacageeyeen, waanu sii socondoonaa iyagoo baadhitaan laxaadle Hadhwanaagnews ku wado sida JSL jeedbkeeda qaranka looga weecsado hantida umada., balse ma aha mid nacabysho iyo gaar u weerar ah cidda ay soo gasho baadhistu.
Lasoco Qeybta 3-aad.....................
Halkan Guji oo Akhriso Faaladan oo English ku Qoran.