Gudoomiyaha Guurtida oo ka hor intii aanu ka dhoofin dalka wargeyska Haatuf wax ka waydiiyay asbaabaha socdaalkiisa ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo ujeedada safarka uu ku tagayo dalka Ingiriiska, balse xaqiijiyay inuu ku wajahan yahay dalka Britain oo uu sheegay in muddo bil ah socdalkiisu qaadan doono.
Ilo wareedyo u dhuun-daloola golaha guurtida ayaa Haatuf u sheegay in socdaalka gudoomiyaha Guurtidu la xidhiidho arrmo caafimaad, taas darteedna gudoomiyuhu ugu safray Ingiriiska xaalad caafimaad.