Hadhwanaag

Welcome to Hadhwanaag

Home

warancade

Indhoole

Cabdilahi mahamed Ali

WADANI AHMED DHAGAX

siilaanyo2aad

bacado

tvga qaranka2

SACIIC ALI MUUSE

Aroos

TVga Qaranka

Dayr GUri

page44

Yaman

page50

Ciyaar2

Van Doorn

samaale2

Gabar Yar Aids

Kulmiye

page47

page40

page14

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

page2

page4

UCIDsafar2

Suxufi Solja

Wasiir biyo

Faysal Khudbad

Wasiirka Arimaha dibadda

page48

Ahmednassir Jibril Farah

bUUG

SIILAANYO

Wasiirka somaliland

Wasiir Warancade

Fanaanada Hodan C/Raxman

AMINA WARIS

page45

Cabdiqadir Juba

Ugaas Xawareeye2

Sakinah Community Center

Nicholas Kay

ProfAhmed Ismacil Samatar

page46

Profoser Ahmed Ismael Tor

Husein ADucale Austria

Wasiirka Biyaha S/land

Wasiirka Dibadda shir

Mahamed Hashi

Zimbabwe

King Khalid

Ethiopian air

booyadaha hargeysa

Jewish Ethiopian

ciro

geela

burco cabdi aw dahir

coomeey

JAMAC QALIB

Biritsh

Khadar Guun2

Adan Cade Airport

Eng Biixi

MilgoTv

Ucid ads Toronto

page52

AmiinArtis

UcidToronto

sweden

Mo Farah

Audio

 
Fadeexada TV Qaranka SL : – Mee TV-gii Qaran ee La lahaa Cardiff ayaa looga Furay Xarun?
 
 
Ninka Tv-ga Qaranka ee Yurub Loogu dhiibay hayb Qabiil , C/raxman Maxamed Aadan Dhari
Ninka Tv-ga Qaranka ee Yurub Loogu dhiibay hayb Qabiil , C/raxman Maxamed Aadan Dhari

Waxay ahayd 21/09/13 markii koox uu hagayo ninka ku magacaaban in uu yahay agaasimaha TV Qaranka ee Yurub, C/raxman Maxamed Aadan Dhari, uu inta uu ka soo jarmaaday magaalada London isaga iyo qaar kale oo ay erayso ujeedo gaar ah oo ku salaysan lacag ka urursi iyo magac aan jirin samaysasho ay isku yimaadeen magaalada Cardiff. Halkaas waxa la isku dhex dhafay kulan lagu amaanayo xukumada Siilaanyo badh-gudashada waajibka loo doortay ee in dadka iyo dalka Somaliland wax loo qabto. 




Marka laga yimaad kulankan qaybta xukumada Siilaanyo amaanteeda lagu subcinayey, dadka reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Cardiff waxa soo jiitay markii dhagta loogu riday in TV Qaranka Somaliland laga furay xarun uu ku yeelanayo magaalada Cardiff. Waxa jiray dad isla markiiba diiday qaabka iyo halka lagu sheegay in TV Qaranka SL looga furay xarun, dadkaasi waxa ay ogaayeen sida ay wax u socdaan iyo dadka wata qorshahan wax ku qarsoon yihiin. Hore ayaa loo yidhi ‘dayuxuba hortaaduu iman! Bal is weydii ‘Waa hale xaruntii TV Qaranka ee xadhiga laga jaray?

Wax haddaba maanta cadaatay fadeedaxdii bishii 9aad uur-dooxantay ee bulshada Somaliland hore-ba ugu muuqatay. Waxaana dadka reer Cardiff is weydiinayaan –meeyey TV Qaranka ee Cardiff xaruntii looga furay ee ina Aadan Dhari xagiga ka jarayey.  Su’aashani wax ay dhalatay kadib markii uu abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi ay jaaliyadu ku soo martiqaaday Cardiff.  Kulanka marti qaadka ee abwaan Hadraawi loo sameeyey ayaa lagu qabtay xarun la yidhaa CCHA oo u taagan Cardiff  Community Housing Association, hall yar oo ku yaal. Goobtan abwaan Hadraawi lagu marti qaaday waxa la keenay nin sita kamarad si uu uga xusuus reebo kulanka awbaanka iyo bulshada, ninku waa mid ay soo kiraysteen isaga iyo kamaradiisaba ninmankii Istuudyow iyo xarun aan jirin sida beenta ah xadhiga looga jaray loogu magacaabay, ninka la soo kiraystay waa Mr. Simon oo ah nin madow ah oo isagu ku shaqaysta xirfadan ay ka aradan yihiin koodax sheeganaysa in xarun TV Qaranku lee yahay ay u fureen.


 
 

Hase ahaatee, Goobta CCHA waxa ku yaal xafiis yar oo loogu talo galay in dhalin yarada aan shaqayn loogu sameeyo xirfad dhanka saxaafada, siiba sawir-qaadista. Goobtaasi waa halkii C/raxman Maxamed Adan Dhari uu isku soo sawiray isagoo maqas ku jaraya xidhmo maro yar ah. Oo uu bulshada Somaliland uga dhigayo in xarun TV Qaranku lee yahay laga furay! Waa yaabe, ilayn inta aan Cardiff joogin ayaa beentu ku socotaaye, waxa uu ina Aadan Dhari ilaaway in dadka reer Cardiff uga aqoon badan yihiin goobta uu maqaska beenta ah la dul istaagay ee isku sawirayaan isaga iyo C/raxmana Doodi, Cumar Siyaad iyo Maxamuud Ducaale oo dhamaan isku hayba, sumacadna aan ku lahanayn bulshada, balse qorshe qaraabokiil ah isku shushubanaya, ujeedo kaliyana ay midayso, taas oo ah in lacag laga cuno Qaranka Somaliland oo la yidhaa xarun TV Qaran ah ayaa Cardiff ku taal.


Albaabkii Xadhiga Laga Jeray
Albaabkii Xadhiga Laga Jeray
Fadeexada TV Qaranka SL ee laantiisa UK intaa kuma eeka, waxa ay sii baahday isla shalay 03/11/13 oo dhalinayro reer Cardiff oo iskood isku xilqaamay ay kulan ay ku taageerayaan in lacag loo guro dhismaha wadada Ceerigaabo ay kulan ku yeesheen isla halkii Abwaan Hadraawi loogu qabtay kulanka. Waxana fadeedaxu noqotay, kadib markii ay la xidhiidheen xubnihii sheeganayey in xarun TV Qaranku lee yahay Cardiff uga fureen si ay uga duubaan kulanka lagu taageerayo wadada Ceerigaabo, arinaka u qaadan waaga ku noqday ee loogu jawaabay waxa ay noqotay in dhalinyaradii lagu wargaliyo in ay iska bixiyaan lacagta lagu soo kiraynayo qof u duuba, maadaama aanay jirin qof iyo qalab toona oo TV Qaran lee yahay oo Cardiff ka jira. Dhalinyarada wax markii dambe loo keenay nin cadaan ah oo isaguna qaadanaya lacag oo ku shaqaysta xirfada kamarada. Dadka reer Cardiff wey yaaban yihiin oo waxay leeyihiin waar aaway TV Qaran ee Cardiff istudyowga la lahaa waa looga furay.

 
 

Xaalku waxa uu isku soo biyo shubanayaa , ninba nin sii magacaabye, wasiir Xirsi oo isagu markii hore soo magacaabay ninka arinkan xeeladu ki jirto xadhiga in uu ka jarayo meel aan jirin, kuna maal doontay xarun TV oo Qaran ayaan furay ee mushaar iyo kiro Hargeysa iyo maareeye Khadar Cali Gaas ha ka keeno, doorkan mar haddii uu wasiir Xirsi joogo UK haddii aanu kula jirin arinkan xaaraan-maalka xoolaha umada ee rag Siilaanyo hore xoolohoodii ugu xaraashay xiligii ololaha kudoonayaan in ay ku soo ceshadaan xeelad aan bulshada lagu sirikarin, wax ma ka qaban doonaa, mise bulshadu waxay is weydiindoontaa su’aasha ilaa hadda taagan ee ah MEE XARUNTII TV-ga QARANK EE LA HAA CARDIFF AYAA LAGA FURAY? Jawaabtu waxay iftiiminaysaa hadalkii nin weyn xumaan uu ogyahay ase waxba ka qaban Karin uu ka yidhi –ALLAH AYAA XAAL OG!

 

Ahmed O. Odawa

Hadhwanaag/Office

Newport – UK