Wasiir warancade oo ah wasiirka kaliya ee ku jira xukumada Siilaanyo ee isku soo maray saddexdii xukumadeed, sida tii marxuun Cigaal, Daahir Riyaale iyo tan Siilaanyo, ee maanta xil wasiir ka hayo Somaliland ayaa ah waayo arag la socda dabaylaha siyaasadeed ee Somaliland haddba dhanka ay u dhacayaan, waana tan keentay in uu ku biro xukumad uu xisbigeeda Kulmiye uu xiligii doorashada si adag uga soo horjeeday, waliba isagoo sida salaanka u soo maray xusbiga Wadani oo uu mar huwaday calankiisa midabka Liinta ah, isagoo lagu qaabilay xaflad balaadhan oo gudoomiye Ciro iyo xusbigiisa Wadani ku soo dhaweyneen.
Dadka wasiir Warancade yaqaanaa waxa ay og yihiin in aanu inta badan isku dayin in sumcadiisu ku dhaawacanto marka jawiga siyaasadeed ee jiraa galo waji abuuraya xaalad aloosanta oo dadku hadba xukumada uu ku jiro iskaga hor yimaadaan, go’aaanka sidaa ku salaysan ee Warancade waa mid u ah sahay-siyaasadeed oo uu ilaa maanta uu sito, kuna maro bulshada Somaliland ee u kala irdhaysan xusibyada siyaasiga ah ee haatan bilaabmatay kacdoonadii sumcada Warancade ka kasban jiray.
Dib u xusooso taariikhdaa aan sidaa u sii fogeyn iyo xiligii xukumadii UDUB ee Daahir Riyaale hogaaminayey markii ay maalin cad albaabada u laabtay xarunta golaha wakiilada Somaliland, iyadoo sida ay maanta isku hayaan siyaasiyan xukumada Kulmiye ee uu hagayo Axmed Siilaanyo iyo gudoomiye Ciro ay isku hayeen xukumadii Daahir Riyaale hogaaminayey ee UDUB, inkastoo wali aanay gaadhin heerkii xiligaa.
Maxaa kuu muuqda? Waxa kuu muuqanaya jawi siyaasadeed oo cakiran, isla markaana gaadhay ku jiqsii iyo ku jiqsii keentay in galaha wakiilada Somaliland noqdo goob labadii garab ee xiligaas oo uu mid ka mid ahaa wasiir Warancad la isku hirdiyayo. Hase ahaatee Warancade isagoo tiisa sumcadeed xoojinaya, iyo hab-siyaasadeedkiisii hore loogu yaqaanayna xiliyada ay xurgufta siyaasadeed oogan tahayna ay u tahay xiliyada uu ka soo dhexmudho, waxa uu si toosa u buriyey mowqifkii xukumadii uu ka tirsanaa ee Riyaale, waxanu dhax tagey taageerayaashii iyo gudmooiye C/raxman Ciro oo hor tunaan goloha wakiilada oo qoful ku dhajisan yahay ciidana lagu gadaamay.
Talaabadaas waxa ay ahayd mid uu wasiir Warancade ku kasbaday sumcad, waxana markiba qaboobay jawigii kacsanaa, isagana sida looga raali yahay waxa lagu muujiyey in tunka lagu qaado, aadna loogu riyaaqo. Hadda xusuuso waxa oognaa jawi cakiran oo golihii dhamaa ee Qaranka Somaliland ayaa albaabada loo laabay, cida u laabtayna waa xukumadii uu ka tirsanaa ee Daahir Riyaale.
Markase aynu doorkan iyo daruuraha siyaasadeed ee saddex sano ka dib dul hoganahaya xukumada uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo iyo gudoomiye C/raxman Ciro, waxa meesha is badalay waa xukumadii , oo halkii Riyaale waxa ku jira Siilaanyo, balse markana wasiir Warancade eegno waxa uu ku jiraa halkii uu maalintii golaha wakiilada la qufushay uu ku jiray, oo ah xubin wasiir ah oo ka mid ah xukumad ay isku lid yihiin gudoomiyiheedii golaha wakiilada. Xaalku waa iyadoo dib loo celiyey cajaladii xukumadii UDUB iyo Kulmiye.