Hadhwanaag

Welcome to Hadhwanaag

Home

Rayte

Britain

siilaanyo2aad

bacado

tvga qaranka2

Khadar Guun

Aroos

TVga Qaranka

Dayr GUri

page44

Yaman

page50

Ciyaar2

Van Doorn

samaale2

Gabar Yar Aids

Kulmiye

page47

page40

page14

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

page2

page4

UCIDsafar2

Suxufi Solja

Wasiir biyo

Faysal Khudbad

Wasiirka Arimaha dibadda

page48

Ahmednassir Jibril Farah

bUUG

SIILAANYO

Wasiirka somaliland

Wasiir Warancade

Fanaanada Hodan C/Raxman

AMINA WARIS

page45

Cabdiqadir Juba

Ugaas Xawareeye2

Sakinah Community Center

Nicholas Kay

ProfAhmed Ismacil Samatar

page46

Profoser Ahmed Ismael Tor

Husein ADucale Austria

Wasiirka Biyaha S/land

Wasiirka Dibadda shir

Mahamed Hashi

Zimbabwe

King Khalid

Ethiopian air

Samaale

Jewish Ethiopian

ciro

geela

page43

coomeey

JAMAC QALIB

Biritsh

Khadar Guun2

Adan Cade Airport

Eng Biixi

usa

CIYAAR1

page52

AmiinArtis

UcidToronto

sweden

Mo Farah

Audio

 
Madexeweynaha Somaliland Oo Ka Qeyb Galey Dufcadii U Horeysay ee Qalin


Image: 
 
 

Hargeysa(HWN)-Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa manta ka qeyb galey Munaasibad balaadhan oo ay ku qalin jabiyeen in ka badan boqol Ardey Jaamacada Timacade Universty ee Magaalada Gabiley, dufcadii u horeysay ee dhameysta Waxbrashada Culuunta kala duwan ee Jaamacada.

 

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo Agaasimay ee uu kasoo qeyb galey Madexweynaha Somaliland waxa ku wehelinayay oo kala soo qeyb galey Marwada Madexweynaha Aamina Xaaji Maxmuud Jirde, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiiro kale oo tira badan oo ay kamid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirada Arimaha Gudaha, Maaliyada Warshadaha, Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga, Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka, Guidoomiyayaasha Jaamacadaha Camuud-Universty Hargeysa-Universty, Salaadiin Masuuliyiinta ka Socdey Shirkadaha Dahabshiil, Telesom, Somtel,Maaulka Sare ee Dalada Dhalinyarada Somaliland Sonyo, Salaadiin, culumaa,udiin, madaxdhaqameedka, Maamulka heerGobol heer degmo Gobolka Gabiley, Waal;idiinta iyo Ardeyda Qalin jabisey iyo Marti Sharaf kale.

 

Munaasibadan Qalin jabinta oo lagu qabtey hoolka Jaamacada Timacade ee Gabiley, waxa ugu horeyn hadal kooban ka jeediyay Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sheegay in ay ka Xukuumad ahaan wax ka qaban doonaan isagoo guud marey in uu ku faraxsan in uu kala soo qeyb galo dufcadii u horeysay ee Jaamacada Timacade ee Gabiley ka qalin jabisa, waxaanu Madexweynuhu si kooban uga hadley in baahiyaadka wax laga qabtaa in ay kamid tahey Waxyaabaha loo doortey ee Xilka loogu igmadey, waxaanu hadalkiisa ku khatimey Madexweynuhu dhambaal hambalyo ah oo uu gudbiyay dhamaanba Ardeyda ka qalin jabisey Jaamacada Timacade ee boqol iyo dheeraadka ahaana Waxaanu gudoonsiiyay Shahaadooyin Ardeydii ugu sareysay qeybaha cukuunta Waxbarashada Jaamacada, gaar ahaan Xildhibaan Aamiin Cumar Cabdi oo katirsan Golaha Deegaanka Gabiley, iyo Axmed Geedi oo in badan ahaa Gudoomiyihii Ardeyda Jaamacada Timacade.

 

 

Waxa kale oo iyaduna, halkaa hadal ka jeedisey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo sheegtey, in Munaasibadu ku sahabsan tahey farxad lala qeybsanayo Ardeyda qalin jabineysa haseyeeshee, aan looga baahneyn Siyaasad ioyo in cid lagu weeraro hadalkaas oo ay Wasiirka Waxbarashadu Marwo Samsam ugu duur xuleysay Waiisrka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade iyo Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye oo labaduba kaga hadley Arimo Siyaasadeed.

 

 

 

Waxa kale oo isaguna halkaasi hadal tafdheer ka jeediyay Gudoomiyaha Jaamacada Timacade Universty Cusmaan Aw Yuusuf Magan, oo ka waramey aasaaskii Jaamacada iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martey islamarkaana si gaar ah u xusey dhmaanba dadkii gacanta weyn ka geystey dhismaheeda isagoo sigaar ah u xusey Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey(Sh Aadan-Siiro), Mulkiilaha Somcaple, Maxamed Aw Siciid Geedi, Xukuumada Jabuuti qaar kamid ah Ganacastada Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland Telesom iyo Somtel, iyo guud ahaanba haldoorkii iyo mudantii ka qeyb qaatey dhismaha Jaamacada Gabiley ee Timacade.

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo isgauna kamid ah boodhka Jaamacada Waxaanu suldaanku sigaar ah uga waramey baahiyaadka iyo duruufaha kajira Jaamacada ee ay duqey ahaan uga baahan yihiin in Madexweynaha Somaliland wax kala qabto, waxaanu  Madexweynaha farta ugu fiiqey in wufuuda dalka soo gaadha ee dalalka Dunida mudooyinkan dambe la geeyo dhinaca Gobolada Barri balse aan Galbeedka la keenin loona baahan yahey dalka lawada gaadhsiiyo ka Xukuumad ahaan.

 

Waxa kale, oo Isgauna halkaasi hadal dheer ka jeediyay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka waramey faa,iidada ay jaamacaduhu u leeyihiin dalka kuna tilmaamey Warshad dadka lagu soo saaro oo waxtar u leh aqoonta iyo dhismaha dalka Waxaanu faafahin ka bixiyay Saleebaan waayaha Qurbaha iyo sida aanay wakhtigan dambe waxba dunida u oolin dalkuna u yahey lama huraanka, waxaanu Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed ku dardaarey Ardeyda qalin jabisey in ay ku xidhnaadaan illaahooda.

 

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadley Maamulka Degmada Gabiley ee heer Degmo iyo heer Gobol iyadoo Maayarka Gabiley balanqaadey in uu qorshaha ku darsadey in taakulada Jaamacada ay kordhin doonaan ka D/hoose ahaan, Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay Qaar kamid ah Ardeyda Qalin jabisey oo ay kamid yihiin Xasan Raage Faahiye oo ka dardaarey dhalinyarada tahriibta, Xildhibaan Amiin Cumar Cabdi, iyo Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan oo isaguna Madexweyne Siilaanyo ugu duur xuley in Timaha jidhka bani aadamka kuyaala qaarna si cad loo xiiro qaarna qarsoodi islamarkaana ay arimha Gobolka gaar ugala hadli doonaan.

 

Gabagabadii Munaasibadan qalin jabinta Jaamacada Timacade ee Gabiley dufcadii u horeysay, ee ka qalin jabineysa uu Madexweynuhu ku gudoonsiiyay Shaadooyinka boqol iyo sadex Ardey ayaa ku dhamaatey jawi aad u wanaagsan, Waxaana Shahaadooyin la gudoonsiiyay Dhinacyada gacanta ka geystey oo Madexweynuhu shahaado sharaf Jamacadu ugu talo gashey ku gudoonsiiyay iyadoo ay sigaar ah uga qeyb qaateen Shirkadaha Dahabshiil, Telesom iyo Somtel oo iyaguna ka qeyb galey Munaasibada qalin jabinta.

 

 

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

hadhwanaagnews Email:hiiraan2007@gmail.com


Hargeysa(HWN)-Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),
ayaa manta ka qeyb galey Munaasibad balaadhan oo ay ku qalin jabiyeen in ka
badan boqol Ardey Jaamacada Timacade Universty ee Magaalada Gabiley,
dufcadii u horeysay ee dhameysta Waxbrashada Culuunta kala duwan ee
Jaamacada.

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo Agaasimay ee uu kasoo qeyb galey
Madexweynaha Somaliland waxa ku wehelinayay oo kala soo qeyb galey Marwada
Madexweynaha Aamina Xaaji Maxmuud Jirde, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada
Samsam Cabdi Aadan, Wasiiro kale oo tira badan oo ay kamid yihiin Wasiirka
Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirada
Arimaha Gudaha, Maaliyada Warshadaha, Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada
Ganacsiga, Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka, Guidoomiyayaasha Jaamacadaha
Camuud-Universty Hargeysa-Universty, Salaadiin Masuuliyiinta ka Socdey
Shirkadaha Dahabshiil, Telesom, Somtel,Maaulka Sare ee Dalada Dhalinyarada
Somaliland Sonyo, Salaadiin, culumaa,udiin, madaxdhaqameedka, Maamulka heer
Gobol heer degmo Gobolka Gabiley, Waal;idiinta iyo Ardeyda Qalin jabisey
iyo Marti Sharaf kale.

Munaasibadan Qalin jabinta oo lagu qabtey hoolka Jaamacada Timacade ee
Gabiley, waxa ugu horeyn hadal kooban ka jeediyay Madexweynaha Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sheegay in ay ka Xukuumad ahaan wax
ka qaban doonaan isagoo guud marey in uu ku faraxsan in uu kala soo qeyb
galo dufcadii u horeysay ee Jaamacada Timacade ee Gabiley ka qalin
jabisa, waxaanu Madexweynuhu si kooban uga hadley in baahiyaadka wax
laga qabtaa in ay kamid tahey Waxyaabaha loo doortey ee Xilka loogu
igmadey, waxaanu hadalkiisa ku khatimey Madexweynuhu dhambaal hambalyo
ah oo uu gudbiyay dhamaanba Ardeyda ka qalin jabisey Jaamacada
Timacade ee boqol iyo dheeraadka ahaana Waxaanu gudoonsiiyay
Shahaadooyin Ardeydii ugu sareysay qeybaha cukuunta Waxbarashada
Jaamacada, gaar ahaan Xildhibaan Aamiin Cumar Cabdi oo katirsan Golaha
Deegaanka Gabiley, iyo Axmed Geedi oo in badan ahaa Gudoomiyihii
Ardeyda Jaamacada Timacade.


Waxa kale oo iyaduna, halkaa hadal ka jeedisey Wasiirka Wasaarada
Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo sheegtey, in Munaasibadu
ku sahabsan tahey farxad lala qeybsanayo Ardeyda qalin jabineysa
haseyeeshee, aan looga baahneyn Siyaasad ioyo in cid lagu weeraro
hadalkaas oo ay Wasiirka Waxbarashadu Marwo Samsam ugu duur xuleysay
Waiisrka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade iyo Wasiirka
Warshadaha Abiib Diiriye oo labaduba kaga hadley Arimo Siyaasadeed.



Waxa kale oo isaguna halkaasi hadal tafdheer ka jeediyay Gudoomiyaha
Jaamacada Timacade Universty Cusmaan Aw Yuusuf Magan, oo ka waramey
aasaaskii Jaamacada iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martey
islamarkaana si gaar ah u xusey dhmaanba dadkii gacanta weyn ka
geystey dhismaheeda isagoo sigaar ah u xusey Sheekh Aadan Maxamuud
Xiirey(Sh Aadan-Siiro), Mulkiilaha Somcaple, Maxamed Aw Siciid Geedi,
Xukuumada Jabuuti qaar kamid ah Ganacastada Somaliland iyo Shirkadaha
Isgaadhsiinta Somaliland Telesom iyo Somtel, iyo guud ahaanba
haldoorkii iyo mudantii ka qeyb qaatey dhismaha Jaamacada Gabiley ee
Timacade.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo
isgauna kamid ah boodhka Jaamacada Waxaanu suldaanku sigaar ah uga
waramey baahiyaadka iyo duruufaha kajira Jaamacada ee ay duqey ahaan
uga baahan yihiin in Madexweynaha Somaliland wax kala qabto, waxaanu
Madexweynaha farta ugu fiiqey in wufuuda dalka soo gaadha ee dalalka
Dunida mudooyinkan dambe la geeyo dhinaca Gobolada Barri balse aan
Galbeedka la keenin loona baahan yahey dalka lawada gaadhsiiyo ka
Xukuumad ahaan.

Waxa kale, oo Isgauna halkaasi hadal dheer ka jeediyay Gudoomiyaha
Jaamacada Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka waramey
faa,iidada ay jaamacaduhu u leeyihiin dalka kuna tilmaamey Warshad
dadka lagu soo saaro oo waxtar u leh aqoonta iyo dhismaha dalka
Waxaanu faafahin ka bixiyay Saleebaan waayaha Qurbaha iyo sida aanay
wakhtigan dambe waxba dunida u oolin dalkuna u yahey lama huraanka,
waxaanu Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed ku
dardaarey Ardeyda qalin jabisey in ay ku xidhnaadaan illaahooda.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadley Maamulka Degmada Gabiley ee
heer Degmo iyo heer Gobol iyadoo Maayarka Gabiley balanqaadey in uu
qorshaha ku darsadey in taakulada Jaamacada ay kordhin doonaan ka
D/hoose ahaan, Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay Qaar
kamid ah Ardeyda Qalin jabisey oo ay kamid yihiin Xasan Raage Faahiye
oo ka dardaarey dhalinyarada tahriibta, Xildhibaan Amiin Cumar Cabdi,
iyo Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan oo isaguna Madexweyne Siilaanyo ugu
duur xuley in Timaha jidhka bani aadamka kuyaala qaarna si cad loo
xiiro qaarna qarsoodi islamarkaana ay arimha Gobolka gaar ugala hadli
doonaan.

Gabagabadii Munaasibadan qalin jabinta Jaamacada Timacade ee Gabiley
dufcadii u horeysay, ee ka qalin jabineysa uu Madexweynuhu ku
gudoonsiiyay Shaadooyinka boqol iyo sadex Ardey ayaa ku dhamaatey jawi
aad u wanaagsan, Waxaana Shahaadooyin la gudoonsiiyay Dhinacyada
gacanta ka geystey oo Madexweynuhu shahaado sharaf Jamacadu ugu talo
gashey ku gudoonsiiyay iyadoo ay sigaar ah uga qeyb qaateen Shirkadaha
Dahabshiil, Telesom iyo Somtel oo iyaguna ka qeyb galey Munaasibada
qalin jabinta.


Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
hadhwanaag/Office  Email:hiiraan2007@gmail.com